Home Wararka Maanta Jadwalka doorashada ku celiska ee Galmudug oo la soo saaray

Jadwalka doorashada ku celiska ee Galmudug oo la soo saaray

by Laacib

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa saqdii dhexe ee xalay soo saaray jadwalka doorashada ku celiska ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in doorashada ku celiska ah ee Golaha Wakiilada iyo Golaha Deegaanka ee Galmudug ay dhici doonto 30-ka bishan September.

Taariikhaha muhiimka ah ee jadwalka doorashada:-

1. Astaynta iyo shaacinta xarumaha iyo goobaha codbixinta 10-ka September
2. Shaacinta liiska musharaxiinta ururada siyaasadda 20-ka September

3. Soo gudbinta liiska wakiilada ururada siyaasadda ee goobaha codbixinta 22-ka September
4. Aqoonsi siinta wakiilada ururada iyo korjoogtada 26-ka September

5. Xiritaanka golaha doorashada 28-ka September
6. Maalinta doorashada 30-ka September 2026.

Guddiga Doorashooyinka ayaa jadwalkan soo saaray, ka dib markii guddigu uu 26-kii bishii August aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare Dalka ay 24-kii bishaasi ku laashay natiijada doorashadii qof iyo codka ee 30-kii bishii July laga qabtay deegaanada Galmudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc