Home Wararka Maanta Dagaal culus oo ka dhacay Magaalada Baydhabo

Dagaal culus oo ka dhacay Magaalada Baydhabo

by Laacib

Ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta weerar culus ku qaaday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ciidamadan ayaa jihooyin kala duwan ka weeraray magaalada, iyagoo adeegsanaya qoryaha daran-dooriga u dhaca, qaraxyo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in inta badan ciidamada taageersan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ay magaalada ka soo galeen xaafadaha Towfiiq iyo Suuqa Xoolaha.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada weerarka soo qaaday ay si qoto dheer isugu soo fidiyeen bartamaha magaalada, isla-markaana ay dagaal qaraar kula galeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Saraakiisha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in xoogaga mucaaradka ay diyaarad drone ah la beegsadeen xarunta saadka ee taliska.

Saraakiisha ayaa sheegay in gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ay sidoo kale la beegsadeen RB Hotel ama Hotel RB oo magaalada gudaheeda ku yaala, isla-markaana uu burbur soo gaaray hotelkaasi.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalku uu si toos ah u saameeyay guryaha dadka shacabka ah iyo goobaha ganacsiga qaar ee magaalada.

Diyaaradaha dagaalka F-16 ee Ciidanka Cirka Turkiga ay leeyihiin ayaa la arkayay iyagoo ka qayb qaadanaya dagaalka, ka dib markii ay adkaatay in magaalada dib looga riixo ciidamadii soo weeraray.

Ciidamada Dowladda Federaalka, Booliska Baydhabo iyo Birmadka Koonfur Galbeed ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya magaalada, iyadoona ay dib uga gurteen ciidamadii kale.

Weerarka ayaa imanaya, xilli uu socday qorshe lagu weerari lahaa goobaha ay bannaanada Baydhabo kaga sugan yihiin ciidamada taabacsan Laftagareen iyo maleeshiyada Al Shabaab.

Dagaalka Isniintan ka dhacay Baydhabo ayaa noqonaya kiisii labaad ee taageereyaasha Laftagareen ay muddo bil gudaheed ah ka gaystaan magaaladaasi. Weerarkan midkii ka horreyay ayay 3-dii bishan ka gaysteen Baydhabo.

Si kastaba ha-ahaatee ma cadda khasaaraha nafeed ee dagaalka uu gaystay, marka laga soo tago in dad ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc