Wednesday, September 30, 2026
Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay khasaraha nafeed ee dagaalka Baydhabo uu gaystay

Wararkii ugu dambeeyay khasaraha nafeed ee dagaalka Baydhabo uu gaystay

by Laacib

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha nafeed ee uu gaystay dagaalka culus ee maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ka dib markii ay weerar ballaaran ku soo qaadeen ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ciidamadaasi kula dagaalamay xaafadaha magaalada. Ciidamada u daacadda ah Laftagareen ayaana la sheegay in markii ugu horreysay ay magaalada ku soo weerareen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Ugu yaraan 21 qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah ayaa ku dhintay dagaalka, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay ilaha caafimaadka ee magaalada.

Mashquul badan ayaa laga soo sheegaya Isbitaal Goboleedka Baay oo sidoo kale loo yaqaano (Isbitaalka Weyn ee Baydhabo), halkaas oo la geeyay dhaawacyada ugu badan.

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu bartilmaameedsaday Hotel RB ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaraha ugu badan ee hal goob ah.

Dagaalkan ayaa lagu sheegay kii ugu waqtiga dheeraa ee ka dhaca Magaalada Baydhabo, marka loo eego weeraradii ay horey magaaladaasi uga gaysteen ciidamada taageersan Laftagareen.

Dagaalka Isniintan ka dhacay Baydhabo oo bilowday xilligii Salaadda Subax ayaa soo geba-gaboobay abaarihii 1-da duhurnimo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc