Wednesday, September 30, 2026
Home Wararka Maanta Dadka reer Hiiraan oo bedelay fekerkii ahaa in dagaal lagaga hortago doorashada Hirshabelle

Dadka reer Hiiraan oo bedelay fekerkii ahaa in dagaal lagaga hortago doorashada Hirshabelle

by Laacib

Xildhibaan Maalik Ibraahim Cabdalla oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dadka deegaanka ay qaateen go’aan geesinimo leh, isla-markaana ay go’aansadeen inaanan wax amni darro ahi laga samayn gobolkaasi.

Xildhibaan Maalik Cabdalla ayaa sheegay inay iyagu leeyihiin Ugaas, isagoo ula jeeda Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, isla-markaana uu go’aansaday inuu u turo dadka deegaanka, ka dib markii uu arkay sida uu yiri dhibaatooyinkii shalay ka dhacay Baydhabo, isagoo intaasi ku daray in Ugaaska uu go’aansaday inaanan wax colaad ahi laga hurin Magaalada Beledweyne iyo guud ahaanba Gobolka Hiiraan.

“Annaga Ugaas ayaan leenahay. Ugaskeenna markuu arkay dhibaatooyinkii shalay ka dhacay Baydhabo, Koonfur Galbeed oo illaa diyaaradaha F-16 la isku duqeeyay oo muwaadiniintii la xasuuqaayo, wuxuu go’aansaday inuu u turo shacabka ku nool Beledweyne iyo Hiiraan inaan wax hub ama colaad ah aan meeshaas laga dhalin, maadaama aysan jirin dowlad masuuliyad iska saareyso amniga iyo badqabka ummadda Soomaaliyeed ee masuulka ka ahayd.” Ayuu yiri Xildhibaan Maalik Cabdalla.

Xildhibaan Maalik Cabdalla oo wareysi siiyay Universaltv ayaa yiri “Annaga ciidan nagu filan waan haysanaa oo waan isku kalsoonahay, laakiin markaad masuuliyad haysid ciidankaasi waxaa la imaanaayo masuuliyad, oo ah inaanan wiilasha Soomaaliyeed la isku leynin. Waxaan la soconayaa in hadda ka hor dowladdan uu waqtigeeda dhammaaday ay weerar ku qaadday Maamulka Jubbaland, oo aan aragnay oo marqaati ka noqonay in Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee loogu talagalay inay la dagaalamaan cadowga ay xuduudda Kenya xagga uga tallaabeen. Annaga waxaa fool xumo nala noqotay in isla wiilashii shalay dagaalka aan ku wada jirnay inaan xuduudda Itoobiya aan ka tallaabino.”

Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa yiri “Go’aankaas geesinimada leh ayaan qaadanay, Ugaaskeenna amarkiisa iyo taladiisa ayaan qaadanay, sidoo kale waxaa jira saaxiibo aan leenahay oo caalamka, ayaguna nagu la taliyay in aanan qayb ka noqonin wax fowda ah ama dagaal, taladaas ay na siiyeena waan uga mahadcelinay, waana qaadanay.”

Xildhibaan Maalik Cabdalla ayaa meesha ka saaray in dadka reer Hiiraan ay u tanaasuleen musharaxnimada iyo dib-u-doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Cabdifitaax Xasan Afrax oo loo wado jegada Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle.

“Haddayba wax loo tanaasulo ay la imaan lahaayeen, annaguna waanba tanaasuli lahaynee doorashadii oo la leeyahay waxay dhaceysaa berritoole, oo aad hadda i leedahay hebelaa Madaxweyne Kuxigeen ah iyo hebelaa Madaxweyne ah, walaalow maxaa loo tanaasulaa bal adigu i fahamsii.” Ayuu yiri Xildhibaan Maalik Cabdalla.

Waxa uu ka digay “Annaga waxyaabo badan ayaa miiska noo saaran, haddii ay saan ku sii socoto wiilasheenna dhan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku jiro inaan kala baxno ayaan ku khasbananaan doonnaa. Annagu dhihi mayno Dowladda Somaliya ayaan ka baxaynaa oo waddan gooniyaa noqonay, laakiin haddii na lagu sii khasbo wiilashaas oo dhan haddaan furimaha ka saarno amniga Muqdisho qalqal ayaa ku imaanaayo.”

Digniintiisa ayaa ku soo beegmeysa, xilli Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud uu aad uga walaacsan yahay in Ciidanka Xoogga Dalka ee deegaanka u dhashay ay soo faarujiyaan furimaha hore ee gobolka, taasoo khatar gelineysa amniga dalka, bacdamaa ay keeneyso in Al Shabaab ay si dhib yar dib ugu qabsan karto goobihii horey looga saaray.

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku sugan cutubyo ka tirsan Ciidamada Militariga iyo kuwa Difaaca Shacabka (Macawiisley) ee ka taageera la dagaalanka Al Shabaab.

Si kastaba ha-ahaatee go’aankan uu Xildhibaanku sheegay inuu Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ugu turayo shacabka ayaa hoos u dhigaya cabsidii laga qabay inay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ay maalinta doorashada ku dagaalamaan gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc