Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa walaac ka muujisay iska horimaadyada ku soo badanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Wakiilka Hay’adda MSF ee Somaliya, Dr. Elshafie Mohammed ayaa sheegay in hay’addu ay si weyn uga walaacsan tahay saamaynta rabshadaha sii kordhaya ee ka jira Magaalada Baydhabo ay ku yeelanayaan dadka rayidka ah iyo helitaanka adeegyada caafimaadka ee lagama maarmaanka ah.
“MSF waxay si degdeg ah ugu baaqeysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay ilaaliyaan dadka rayidka ah, bukaanada, shaqaalaha caafimaadka iyo xarumaha caafimaadka, ayna xaqiijiyaan in dadka u baahan daryeelka caafimaad ay si ammaan ah oo aan caqabad lahayn u gaari karaan isbitaalada.” Ayuu yiri Wakiilka MSF ee Somaliya.
Hay’adda ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dagaalkii xooganaa ee maanta ka dhacay magaalada uu noqonayo kiisii saddexaad ee ka dhaca Baydhabo iyo nawaaxigeeda, tan iyo 17-kii bishii hore ee August.
“Waxaa la soo sheegay in xarun caafimaad uu burbur xoogan soo gaaray, isla-markaana la dilay shaqaale caafimaad. Gaari gurmadka degdegga ah (ambulance) ayaa la dhacay, iyadoo sidoo kale la soo sheegay in la weeraray guryo ay dad rayid ah deganaayeen. Laba shaqaale caafimaad oo la shaqeynayay kooxaha MSF ayaa la dhacay hantidooda, mid ka mid ahna waa la dhaawacay.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dr. Elshafie Mohammed, Wakiilka Hay’adda MSF U Qaabilsan Somaliya ayaa warsaxaafadeedka ku sheegay “Kani waa markii saddexaad muddo lix toddobaad ah oo dagaal uu ka qarxo Magaalada Baydhabo, taas oo keentay in dagaalku uu cawaaqib xun ku yeesho dadka rayidka ah. Waa wax aan la aqbali karin in dadka rayidka ah iyo daryeelka caafimaadka lagu hayo rabshado. Dadka dhaawaca ah waxay u baahan yihiin daryeel caafimaad oo degdeg ah, laakiin qaar badan ma gaari karaan isbitaalka. Haddii aan la helin dawayn waqtigeeda ku habboon, kuwo badan ayaa dhiigbax u dhiman kara.”
Dr. Elshafie Mohammed ayaa mar kale dhinacyada dagaalka ku lugta leh ugu baaqay “Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan dadka rayidka ah, kaabeyaasha dadweynaha iyo inay hubiyaan in bukaanadu ay si ammaan ah u gaari karaan xarumaha caafimaadka, iyagoon cabsi, dib-u-dhac ama caqabad lahayn.”
Kooxaha la shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka ee Isbitaal Goboleedka Baay ama Isbitaalka Weyn ee Baydhabo ayaa Isniintan qaabilay dhaawacyada 69 qof, kuwaas oo sidoo kale diiwaangeliyay dhimashada saddex qof oo rayid ah, sida ay sheegtay MSF.
MSF ayaa sheegtay in waddooyinka Baydhabo ay ku xirmeen dagaalka, taasoo ay sheegtay inay si weyn u xaddiday helitaanka daryeelka caafimaadka. MSF ayaa intaasi ku dartay in tiro yar oo ka mid ah dadkii dhaawacmay ay u suurtagashay inay gaaraan Isbitaalka Guud ee Baydhabo.