Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ciidamo cusub tababar ugu soo xiray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Gaashaanle Xasan Tuure (Ex Ballidoogle) ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Ciidamadan oo ku biiraya Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa waxaa lagu sheegay dufcaddii 12aad ee Danab ee tababar loogu soo xiro dugsigaasi.
“Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa la baray xeerka ciqaabta, xuquuqda aadanaha, xirfado kala duwan oo caafimaadka iyo isgaarsiinta ka mid tahay, cilad bixinta hubka iyo xeeladaha dagaalka ee tabaha kala duwan ah.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.
Raysal Wasaaraha ayaa ciidamada ku bogaadiyay dadaalka iyo adkaysiga ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka, sida lagu sheegay warka, waxaana uu kula dardaarmay in aqoonta iyo xirfadaha ay barteen ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed iyo difaaca dalkooda.
“Waxa uu sidoo kale ku booriyay ciidanka cusub in ay ilaaliyaan sharcjga, ayna noqdaan kuwo ku suntan waddaniyad, daacadnimo iyo u heelanaanta difaaca dalka, si looga guuleysto kooxaha Khawaarijta ah iyo cid walba oo dalkooda u diidan nabadda iyo horumarka ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa dhanka kale lagu sheegay “Intii ay socotay munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay xirfadaha iyo aqoonta ciidan ee ay muddada tababarka ku qaateen ciidanka ka tirsan dufcaddan, kuwaas oo loo diyaariyay gudashada waajibaadka qaran ee ku aaddan difaaca dalka, sugidda amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee diidan nabadda iyo dowladnimada Somaliya.”
Raysal Wasaare Barre ayaa waxaa munaasabadda ku wehlinayay Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud.
Somaliya oo sida la sheegay wajaheysa ciidamo yari ayaa diiradda saareysa tababarka ciidamada, si loo helo cutubyo cusub oo buuxiya kaalinta ciidan yarida.
