Home Wararka Maanta Koonfur Galbeed oo sheegtay in dagaal-yahanadii ugu badnaa ay maanta soo weerareen Baydhabo

Koonfur Galbeed oo sheegtay in dagaal-yahanadii ugu badnaa ay maanta soo weerareen Baydhabo

by Laacib

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka hadashay dagaalka qaraar ee maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo, oo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu sheegtay inay ciidamadiisu weerareen magaaladaasi.

Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Xaayow) ayaa sheegay in maleeshiyada Al Shabaab oo keliya ay soo weerareen magaalada, isagoona meesha ka saaray in weerarka ay qayb ka ahaayeen ciidamada taabacsan Cabdicasiis Laftagareen.

“Nimankii arxanlaaweyaasha ahaa ee Al Shabaab ayaa maanta si argagaxisanimo oo dhab ah magaalada ku soo galay saakay abaare Salaaddii Subax, ayagoo magaalada ku soo galay qaraxyo naf iyo gawaariba leh, isla-markaana drone wax la yiraahdo oo ay wataan la soo galay.” Ayuu yiri Afhayeenka oo xusay in saddex kun oo Shabaab ah ay weerarka soo qaadeen.

“Nimanka maanta Baydhabo soo weeraray ma ahayn niman la saari karo ama la bixin karo. Waxaa lagu qiyaasay ugu yaraan saddex kun oo nin, sida aan xogta la soconay illaa Galgaduud, Hiiraan iyo Bu’aale Shabaabkii joogay baa isku habar wacday oo la soo daldalaayay maalmahaan oo dhan ayaan ogayn.” Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo carabta ku adkeeyay “Ugu yaraan saddex kun oo nin iyo dheeraad ayaa Baydhabo maanta soo galay oo soo weeraray.”

Afhayeenka oo BBC la hadlay ayaa intaasi ku daray “Ilaahay baa ka awood badnaa, shacabka Koonfur Galbeed baa ka awood badnaa, Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Ciidamada Birmadka Koonfur Galbeed baa ka awood badnaa.”

Dhanka kale Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya ayaa sheegtay in weerar qaraxyo ku bilowdeen ay magaalada ku soo qaadeen maleeshiyada Al Shabaab iyo kuwa Laftagareen, oo sida ay sheegtay isku milmay. Wasaaradda ayaa warkan ku sheegtay qoraal lagu daabacay boggeeda internet-ka.

Xafiiska Laftagareen ayaa beeniyay eedeyntaasi, iyadoona war uu Laftagareen soo saaray lagu sheegay in weerarka ay qaadeen Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Koonfur Galbeed ee la safan Laftagareen ayaa Isniintan qaarkood lagu arkay magaalada, intii uu dagaalku ka socday.

Weerarkan ayaa u muuqdo mid lagu kediyay maamulka cusub Koonfur Galbeed ee Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) uu hoggaamiyo, xilli Ciidanka Xoogga Dalka iyo Birmadka Koonfur Galbeed ay isku diyaarinayeen hawlgal uu ujeedkiisu ahaa in taageereyaasha Laftagareen iyo maleeshiyada Al Shabaab lagaga sifeeyo deegaanada hoostaga Baydhabo.

Tan iyo markii meesha laga saaray maamulkii hore ee Koonfur Galbeed, ciidamada u daacadda ah Laftagareen ayaa afar jeer weeraray Magaalada Baydhabo, iyadoo ay weeraradaasi gaysteen 30-kii bishii May, 17-kii August, 3-dii iyo 28-ka bishan September oo maanta ku beegneyd.

Dagaalkan ugu dambeeyay ayaa lagu sheegay kii ugu waqtiga dheeraa ee ka dhaca Baydhabo, marka loo eego saddexdii weerar ay ku lugta lahaayeen ciidamada ka amarka qaata Laftagareen ee ka dhacay magaaladaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc