Wararka ka imanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya inuu kordhay dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalka culus ee Isniintii ka dhacay magaaladaasi.
Hay’adaha ammaanka iyo ilaha caafimaadka ee magaalada ayaa laga soo xigtay inay diiwaangeliyeen dhimashada 50 qof oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah.
Weerarka ismiidaaminta ee lagu qaaday Hotel RB oo keliya ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen shan iyo toban qof, oo lagu kala sheegay ilaaladii hotelka iyo dad shacab ah oo goobta ku sugnaa ama ka ag-dhawaa.
Nin la socday gaari Leyla Calaawi ahaa oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa la sheegay inuu beegsaday hotelka, ka dib markii uu garowsaday in ay xiran tahay waddada Madaxtooyada Baydhabo.
Sarkaal ka tirsan hay’adaha ammaanka ayaa inoo sheegay in sidoo kale la diiwaangeliyay dhaawaca 120 qof oo dad shacab ah.
“Dhibaatada ugu weyn waxay shacabka ka soo gaartay hoobiyeyaal ku dhacay guryahooda.” Ayuu yiri Sarkaalkan oo ka gaabsaday in la soo xigto.
Waxa uu intaasi ku daray “Waxaan intaas idiinkugu darayaa waxaa jira dad shacab ah oo ku dhintay dagaalka, kuwaas oo dad is xilqaamay ay aas u sameeyeen. Marka kuma jiraan tirada dadka la diiwaangeliyay ee dhintay.”
Dagaalkan ayaa sidoo kale gaystay burbur hantiyadeed oo isugu jira guryo la deganaa iyo goobo ganacsi oo ku yiilay gudaha magaalada.
Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in saddex kun oo nin oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ay shalay soo weerareen magaalada ugu weyn Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.
Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sheegtay in maleeshiyada Al Shabaab iyo ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo isku dhafan ay soo weerareen magaalada.
Dagaalka oo xilligii Salaadda Subax ka qarxay magaalada ayaa soo geba-gaboobay abaarihii 1-da duhurnimo, ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ay dib u riixeen xoogagii weerarka soo qaaday.
Dagaalkan ayaa waxaa lagu sheegay midkii ugu darnaa ee muddooyinkan ka dhaca Magaalada Baydhabo.
