Home Wararka Maanta Aadan Madoobe oo ahmiyad siinaya dib-u-heshiisiinta dadka Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo ahmiyad siinaya dib-u-heshiisiinta dadka Koonfur Galbeed

by Laacib

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay shir la xiriira geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta dadka reer Koonfur Galbeed.

Shirkan oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay amniga deegaanada Koonfur Galbeed iyo dardargelinta geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta bulshada, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.

“Golaha Wasiirada ayaa si qoto dheer uga hadlay gogosha iyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo wada hadal loo dhan yahay, is afgarad siyaasadeed, bulsho iyo in khilaafaadka lagu xalliyo hannaan nabadeed oo ku dhisan wadatashi iyo is qancin.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa intaasi ku daray “Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa adkeeyay nabadgelyada, midnimada bulshada iyo dib-u-heshiisiintu inay yihiin tiirarka aasaaska u ah horumarka iyo xasilloonida Koonfur Galbeed, iyadoo dowladda ay sii wadi doonto dadaalada lagu mideynayo bulshada iyo xoojinta dowladnimada.”

Shirkan ayaa daba socdo kulan uu Aadan Madoobe uu Khamiistii Madaxtooyada Baydhabo kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo gaaray magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Aadan Madoobe uu Maxamed Mursal ka codsaday inuu gacan ka gaysto doorka hoggaamineed ee dib-u-heshiisiinta bulshada, isla-markaana uu ka aqbalay.

Aadan Madoobe ayaa daneynaya in loo kala dab qaado maamulkiisa cusub iyo hoggaankii hore ee maamulka, kaas oo dagaal uu kala kulmayo.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo aan aqoonsanayn doorashada Aadan Madoobe ayay ciidamadiisu weerar ku hayaan Magaalada Baydhabo.

Aadan Madoobe oo Khamiistii ka hadlayay shir jaraa’id ayaa ku baaqay in wada hadal iyo is afgarad siyaasadeed lagu dhameeyo wax kasta oo lagu kala aragti duwan yahay.

Ma cadda in Laftagareen iyo siyaasiyiinta deegaanka ee ku mowqifka ah ay aqbali doonaan wada hadal nabadeed iyo gorgortan siyaasadeed iyo in kale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc