Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in iska horimaad u dhexeeya dadka deegaanka iyo maleeshiyada Al Shabaab uu maanta ka dhacay deegaanka bariga Gobolka Hiiraan ku yaala ee Tardo.
Iska horimaadkan oo lagu dilay afar nin oo ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab ayaa ka dambeeyay carro ka dhalatay jirdil ay maleeshiyada Shabaab u gaysteen nin ka mid ahaa dadka deegaanka, oo ay xigtay dil ay u gaysteen saddex qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka.
“Dadka deegaanka ayaa ka carooday niman ka tirsan Al Shabaab oo jirdilayay wiil oo ay doonayeen inay qorigiisa ka qaataan. Markii ay dadka isku dayeen inay ka celiyaan rasaas ayay oodda uga qaadeen, waxaana halkaasi ku dhintay saddex qof, illaa toban qofna way ku dhaawacmeen.” Ayuu yiri nin ka mid ah dadka reer Tardo oo aan la hadalnay.
Ninkan oo codsaday inaanan magaciisa la soo xigan, sababo amni awgood ayaa intaasi ku daray “Intaas ka dib dadka deegaanka qaarkood oo si qarsoodi ah hub ugu dhex haystay magaalada ayaa hubkoodii la soo baxay, waxayna dagaal toos ah la galeen Shabaabkii meesha joogay oo laga dilay afar nin.”
Xaaladda deegaanka Tardo ayaa weli ah mid aad u kacsan, iyadoo Shabaabka sida booliska oo kale u tababaran ee lagu magacaabo Xisbada ay dibadda uga baxeen deegaankaasi.
Tuulooyinka ku dhow dhow deegaanka ayaa waxaa ka jira kacdoon aad mooddo in ay dadka deegaanka ku diidan yihiin Al Shabaab.
Dhanka kale Duqa Magaalada Beledweyne, haweeneyda lagu magacaabo Nadar Tabaax Maalin ayaa cambaareysay falka ay maleeshiyada Al Shabaab ku dileen dadka rayidka ah ee huriyay iska horimaadka.
Nadar Tabaax Maalin ayaa dadka reer Hiiraan ugu baaqday inay u midoobaan, isla-markaana ay iska kaashadaan la dagaalanka bay tir Khawaarijta iyo ka hortagga dhagarta ay u maleegayaan shacabka.
Shabaabka ayaa Tardo oo ku taala goob istiraatiji ah, waxay la wareegeen 13-kii bishii July ee sanadkii 2025.