Home Wararka Maanta Ciidamada Laftagareen oo bilaa dagaal kula wareegay Degmada Qansaxdheere

Ciidamada Laftagareen oo bilaa dagaal kula wareegay Degmada Qansaxdheere

by Laacib

Ciidamo Daraawiish ah, isla-markaana taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Khamiistan la wareegay gacan ku haynta Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay bilaa dagaal kula wareegeen gacan ku haynta magaalada, iyadoo aan la soo sheegin wax iska horimaad ah oo ka dhacay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadii Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee horey ugu sugnaa degmadaasi ay gabaad weydiisteen Militariga Itoobiya ee qaybta ka ah Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Dadka deegaanka ayaa kuu sheegay in wax u muuqdo is bedel maamul uu ka dhacay Degmada Qansaxdheere, isla-markaana Ciidanka Itoobiya ee degan aysan ka hortagin ciidamada cusub ee soo galay degmadaasi.

Qansaxdheere ayaa waxay noqoneysaa degmadii ugu horreysay ee ay la wareegaan taageereyaasha Laftagareen, tan iyo markii la riday amaba meesha la saaray hoggaankii hore ee Koonfur Galbeed, 30-kii bishii March.

Qabsashada Qansaxdheere ayaa waxay sii xoojineysaa loolanka awoodeed, maamul iyo midka ciidan ee billihii u dambeeyay ka jiray Koonfur Galbeed.

Qansaxdheere waxay 98km dhanka koonfureed uga beegan tahay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaan weli ka hadlin tallaabada uu garabka Laftagareen kula wareegay degmdaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc