Home Wararka Maanta Qabsashada xoogaga Laftagareen ee Qansaxdheere oo aan u wanaagsanayn Aadan Madoobe

Qabsashada xoogaga Laftagareen ee Qansaxdheere oo aan u wanaagsanayn Aadan Madoobe

by Laacib

Ciidamada u daacadda ah Ex Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku haynta Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay, iyadoo aanu wax iska horimaad ah ka dhicin degmadaasi.

Magaalada ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo ka tirsan kuwa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo gabaad weydiistay Ciidanka Itoobiya ee ka tirsan Hawlgalka AUSSOM, halkii ay ahayd inay ka hortaggaan ciidamada soo hujuumay degmadaasi.

In degmo dhan oo ka tirsan Gobolka Baay si fudud looga la wareego maamulka ayaa waxay calaamad u tahay in ciidamadii ku sugnaa degmada ay u xagliyeen garabka Laftagareen, inkastoo aysan muuqan inay ku biireen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada taabacsan Laftagareen ee la wareegay Qansaxdheere ay ka yimaadeen dhinaca Magaalada Baydhabo, iyadoo labada magaalo ay isku jiraan qiyaastii 98km.

La wareegitaanka Degmada Qansaxdheere ayaa waxay xoojineysaa difaaca iyo fariisimaha ciidamada taageersan Laftagareen ee Gobolka Baay.

Tani ayaa waxay sidoo kale muujineysaa in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) uu hoggaamiyo ay yar tahay taageeradeeda ciidan ee lagu difaaci karo deegaanada ka baxsan Xarunta Gobolka Baay ee Baydhabo.

In Maamulka Aadan Madoobe laga fara-maroojiyo Degmada Qansaxdheere ayaa direysa farriin ah in dagaalku uu ka gudbay Magaalada Baydhabo, marka aad eegto in taageereyaasha Laftagareen ay si gaar ah hadaf uga dhiganayeen magaaladaasi.

Ciidamada ka amarka qaata Laftagareen oo 8-dii bishii May bilaabay in ay bartilmaameed ka dhigtaan Baydhabo iyo nawaaxigeeda ayay bartilmaameedyadoodu ku koobnaayeen Baydhabo iyo agagaarkeeda, iyadoo aysan jirin goob kale oo ka baxsan oo ay weerareen, illaa Khamiistan ay la wareegeen Qansaxdheere.

Maadaama ay Baydhabo tahay Xarunta Ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahna meesha ay ku yaallaan Xarumaha Maamulka ee Madaxtooyada iyo Baarlamaanka ayaa loo maleynayaa inay taasi tahay sababta ay diiradda u saarayeen.

Qabsashada garabka Laftagareen ee Qansaxdheere ayaa ku soo beegmeysa, xilli Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) uu riixayo gogol nabadeed iyo dib-u-heshiisiin dadka reer Koonfur Galbeed ah, oo uu doonayo in xal lagaga gaaro khilaafka siyaasadeed iyo midka ciidan ee kala dhexeeya hoggaankii hore ee maamulka.

Tallaabada lagu la wareegay Qansaxdheere ayaa waxay dadka qaarkii u fasiran karaan in Laftagareen iyo siyaasiyiinta xulafada la ah ay xalka siyaasadeed u marayaan dhabo aan ahayn wada hadal iyo gorgortan siyaasadeed.

Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee sii xoogeysanaya ee ka jira Gobolka Baay ayaa halis gelin kara masiirka maamulka cusub ee Aadan Madoobe.

Cabdicasiis Laftagareen oo weli ku adkeysanaya in uu yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaan aqoonsanayn madaxtinimada Aadan Madoobe, wuxuuna horey ugu hanjabay in ay xoog dib ugu la wareegi doonaan hoggaanka maamulka, isagoo daba jooga in sifo baalmarsan sharciga xilka looga qaaday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc