Home Wararka Maanta Weerarada Al Shabaab oo xujo ku noqday hawlgalka militari ee Banooda

Weerarada Al Shabaab oo xujo ku noqday hawlgalka militari ee Banooda

by Laacib

Hawlgalka Banooda oo wejigiisa koowaad la rabo in lagu xoreeyo Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa dib-u-dhac la kulmaya, sababo ku aaddan horu-socod la’aan ka dhashay maleeshiyada Al Shabaab oo isku dayeysa in ay dagaalka ka fogeyso degmadaasi iyo deegaanka istiraatiijiga ah ee Jameeco, kaas oo isku xira Degmooyinka Buurhakaba iyo Wanlaweyn.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabka ay maalmihii u dambeeyay ku soo xoogeysanayeen tuulooyinka iyo dhulka hawdka ee dhaca duleedka deegaanka Leego oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saldhig cusub ka sameystay aagga Leego, ka dib dagaalkii qaraaraa ee 26-kii bishii October ay Al Shabaab kula galeen tuulada Qardho oo hoostagta deegaanka Jameeco, taas oo keentay in Shabaabku ay soo dul deggaan deegaankaasi Leego.

Shabaabka ayaa toddobaad ka hor bilaabay weeraro gaadmo ah oo waddooyinka gala Leego ay kula beegsanayaan gaadiidka ay la socdaan Ciidanka Xoogga Dalka, oo uu ugu dambeeyay weerarkii dhaba-galka ay Khamiistii ku qaadeen kolonyadii ay la socdeen Ciidanka Danab ee marayay inta u dhexeyso Leego iyo tuulada Iidow Jalaat.

Al Shabaab ayaa waxaa cad inay ka hortageyso in dagaalku ku fido Degmada Buurhakaba, oo 15-kii bishii October ay la wareegeen ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxay si isku mid ah u sheegeen in ciidamada daacadda u ah Laftagareen iyo Shabaab oo isku dhafan ay la wareegeen degmadaasi, walow garabka Laftagareen uu warkaasi beeniyay.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa 24-kii October ku dhawaaqday hawlgalka loogu magac-daray Banooda, oo wejigiisa hore la qorsheeyay in lagu qabto Buurhakaba, ka dibna degmooyinka kale Gobolka Baay ee laga la wareegay Maamulka Koonfur Galbeed.

Hawlgalkan oo si rasmi ah u bilowday October 26-keedii ayaa isla maalintaasi la kulmay jug xoog leh, markii ciidamada oo u qalab qaatay Buurhakaba uu weerar culus ku qabsaday aagga Jameeco, iyadoo wixii xilligaasi ka dambeeyayna uu hawlgalku noqday mid fadhiid ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc