Bannaanbaxan nabadeed ayaa lagu taageerayay shirarka siyaasadeed ee uu hoggaaminayo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ee lagu go’aaminayo mustaqbalka siyaasadeed ee bulshada ku dhaqan Gobolka Hiiraan.
Bannaanbaxan ayaa sidoo kale lagu adkeynayay diidmada natiijada doorashada Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo muujinta inaysan dadka gobolka qayb ka ahayn maamulkaasi.
Kumanaan qof ayaa maanta isugu soo baxay Magaalada Beledweyne, iyagoo ka jawaabaya baaqii Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ee Khamiistii uu dadka deegaanka u jeediyay inay Axaddan ka soo qaybgalaan bannaanax nabadeed oo ballaaran, oo ay ku muujinayaan midnimadooda iyo isku duubnidooda bulsho.
“Bannaanbaxan wuxuu ku saabsan yahay shucuurta dadweynaha ee xaaladda ka jirto Gobolka Hiiraan inaan la wadaagno dadka naga koreeya ee Soomaalida ah, beesha caalamka iyo ummadda adduunka waxa ka socdo Somaliya inaanan qayb ka ahayn, waxa Hirshabelle ka socdo inaanan qayb ka ahayn iyo dhibka Soomaali dhex yaalo inaanan qayb ka ahayn.” Ayuu yiri Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo la hadlayay dibadbaxayaasha.
Ugaaska ayaa dadka reer Hiiraan kula dardaarmay inay ilaaliyaan nabadda, midnimada dhexdooda iyo deris wanaagga, isla-markaana aysan ku kicin wax fowdo ah.
“Wax walba waxaa lagu gaari karaa midnimo iyo towfiiq, midnimada iyo towfiiqda ha la ilaaliyo.” Ayuu yiri Ugaas Yuusuf oo wacad ku maray inaysan ka laaban doonin waddada ay ku taagan yihiin.
“Annaga jidkan aan kornay ka noqon mayno, ciddii na dhibto, ciddii na juqeyso iyo ciddii cawada meel soo gasho, maka noqonayno ee walaalayaalow ogaada, dadka naga koreeyana ogaada, Soomaalina ha ogaato.” Ayuu yiri Ugaas Yuusuf.
