Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka iyo dib-u-dhiska Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka ee Magaalada Muqdisho.
Hirgelinta Jaamacadda Difaaca Qaranka ayaa ku timid qorshaha Madaxweynaha ee tayaynta aqoonta iyo xirfadaha difaaca dalka, taasi oo soo saari doonta aqoonyahanno Soomaaliyeed oo leh xirfad iyo karti ay ugu adeegaan difaaca iyo ilaalinta qaranka, sida lagu sheegay war ka soo baxay Villa Somalia.
“Jaamacadda Difaaca Qaranka ayaa loo dhisayaa qaab casri ah, iyadoo ka koobnaan doonta dhammaan qaybaha lagama maarmaanka u ah xarun waxbarasho oo heer jaamacadeed ah, sida kulliyado kala duwan, xarumo cilmi-baaris, goobo tababar iyo deegaan, waxaana hirgalinteeda Soomaaliya ka taageeraya Dowladda Shiinaha.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa lagu sheegay “Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhagax dhigay dib-u-dhiska Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay fulinayaan Hoggaanka Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka, kana koobnaan doona saddex dabaq oo loo dhammeystirayo adeegyada caafimaad ee looga baahan yahay isbitaal casri ah, si loo xoojiyo daryeelka caafimaad ee ciidamada iyo bahda kale ee adeegga ka hela.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu ku bogaadiyay Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Militariga dadaalka ay ku bixiyeen dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha ciidamada, tani oo suurtagelisay in muddo ka dib ay hay’adahaasi awood u yeeshaan qorsheynta iyo fulinta mashaariic waaweyn oo wax ka taraya tayaynta ciidamada, kor u qaadista aqoontooda iyo daryeelkooda caafimaad.
