Home Wararka Maanta Nin Sarkaal ah iyo ilaaladiisii oo qarax lagu dilay gudaha Gobolka Shabellaha Hoose

Nin Sarkaal ah iyo ilaaladiisii oo qarax lagu dilay gudaha Gobolka Shabellaha Hoose

by Laacib

Sarkaalkan oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Shabellaha Hoose, laguna magacaabayay Cabdisalaan Aadan Qoobey iyo laba ka mid ah ilaaladiisa ayaa maanta lagu dilay gobolkaasi, ka dib markii qarax lala eegtay gaari ay la socdeen.

Sarkaalkan ayaa hoggaaminayay ciidamo ka baxay deegaanka Buulo Mareer, gurmadna ugu sii jeeday deegaanka Golweyn oo sida la sheegay ay weerareen ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen shan askari oo kale, oo ka mid ahaa ilaaladii sarkaalkaasi.

Golweyn oo qiyaastii 20km jihada koonfureed uga beegan Degmada Qoryooley ayaa waxaa dhawaan ka baxay Ciidanka Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe ay Militariga Uganda uga baxayaan dhowr saldhig, oo dhowr iyo toban sano ay kaga sugnaayeen Gobolka Shabellaha Hoose.

Dhammaan goobaha ay ka guurayaan Ciidanka AUSSOM ayaa waxaa amnigooda la wareegaya Ciidanka Xoogga Dalka.

Ma cadda, cidda gaysatay qaraxan, waxaase la aaminsan yahay inay ka masuul yihiin maleeshiyada Al Shabaab oo gacan siinaya ciidamada daacadda u ah Laftagareen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc