Home Wararka Maanta Shabaab oo la wareegay deegaanka istiraatiijiga ah ee Coomaad

Shabaab oo la wareegay deegaanka istiraatiijiga ah ee Coomaad

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay saakay dagaal kula wareegeen deegaanka Coomaad oo hoostaga Magaalada Matabaan ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay weerarka ka soo qaadeen dhinaca deegaanka Hees, iyaga oo soo maraya waddada tuulada Madhooy.

Deegaanka Coomaad oo qiyaastii 25km jihada bari uga beegan Magaalada Matabaan ayaa waxaa ku sugnaa Ciidanka Xoogga Dalka, oo la sheegay inay dagaal uga la hortaggeen maleeshiyada, balse markii dambe ay xeelad dagaal dib uga gurteen deegaankaasi.

Deegaankan ayaa waxaa daba-yaaqadii bishii hore ee October ka baxay Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley, waxaana sidoo kale toddobaadkii hore ka baxay ciidamo ka tirsan kuwa Militariga Somaliya, iyagoo ka jawaabaya baaqii Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ee ku saabsanaa in ciidamada u dhashay Gobolka Hiiraan ama Beesha Xawaadle, kana tirsan Ciidamada Qalabka Sida ay yimaadaan Magaalada Beledweyne, si looga hortago duulaan uu sheegay in ciidan qabiil, balse wata magac dowladeed ay ku soo yihiin gobolkaasi.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo wajahaya ciidan yari ayaa waxaa dhibaato kale ku noqotay is bedelada dhanka fariisimaha ciidamada ee gobolka, iyadoona aad arki karto, sida ay ugu adag tahay in la daboolo oo la buuxiyo goob kasta oo laga soo baxo gobolkaasi.

Shabaabka oo ka faa’iideysanaya daldalooladaasi amni ayaa la wareegay deegaanka istiraatiijiga ah ee Coomaad, kaas oo muhiim u ah nabadda iyo ganacsiga Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Coomaad ayaa ah mid ka mid ah deegaanada ugu muhiimsan dhinacyada istiraatiijiyadda amniga, isu socodka dadweynaha iyo dhaqaalaha reer miyiga ee Bartamaha Somaliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc