Home Wararka Maanta Sarkaal ka tirsan Militariga Somaliya oo loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan

Sarkaal ka tirsan Militariga Somaliya oo loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan

by Laacib

Hoggaamiyaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Gudoomiye cusub u magacaabay Gobolka Hiiraan, toddobaad ka dib markii Muuse Salaad Wehliye uu iska casilay xilkaasi.

Hoggaamiyaha Hirshabelle ayaa digreeto ku magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, ka dib markii uu tixgeliyay talo soo jeedinta Kuxigeenkiisa Cabdifitaax Xasan Afrax.

“Waxaa Mudane Cabdullaahi Barre Cilmi loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.” Ayaa lagu yiri digreetada oo sidoo kale lagu sheegay “Xeerkan waxa uu dhaqangelayaa, marka uu saxiixo Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, wuuna saxiixay.”

Digreetadan ayaa waxaa Warbaahinta u akhriyay Agaasime Kuxigeenka Warfaafinta Madaxtooyada Hirshabelle, Mahad Axmed Calasow.

Cabdullaahi Barre Cilmi ayaa ah Sarkaal ka tirsan Militariga Somaliya, isagoona horey u soo noqday Abaanduulaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Magacaabiddiisa ayaa ku soo aadeysa, xilli xasaasi ah oo kacdoon ka dhan ah Hirshabelle uu ka jiro Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ma cadda, sida uu ugu shaqayn karo Beledweyne, halkaas oo uu ku sugan yahay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo hoggaaminaya kacdoonka ay dadka deegaanka ku diidan yihiin natiijada doorashada Hirshabelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc