Home Wararka Maanta Ciidanka Uagnda oo soo afjaray joogitaankoodii sannadaha badan ee Baraawe

Ciidanka Uagnda oo soo afjaray joogitaankoodii sannadaha badan ee Baraawe

by Laacib

Militariga Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka AUSSOM ayaa si rasmi ah u wareejiyay shan saldhig oo ku yaala gudaha iyo duleedka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidanka Uganda ayaa ka baxay saldhigyadii ay kaga sugnaayeen Garoonka Diyaaradaha, Dekedda Baraawe, deegaanka Ambareeso, waddada aadda Kismaayo iyo xaruntii taliska hawlgalada ee degmadaasi.

Saraakiisha Ciidanka Uganda ayaa amniga goobahan ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka ee ka hawlgala magaalo xeebeedka Baraawe.

Munaasabadda wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Guutada 23aad (Polizia Militare) ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamed Axmed Cabdi, Taliyaha Guutada 45aad ee Ciidanka Difaaca Uganda, Korneyl Justus Musenene, isagoo ka wakiil ahaa Taliyaha Qaybta 1aad ee AUSSOM, General Jackson Kayanja iyo Saraakiil kale.

Korneyl Justus Musenene ayaa uga mahadceliyay dadka reer Baraawe taageerada ay siiyeen Ciidanka Uganda, intii ay halkaasi joogeen.

“Wuxuu ugu baaqay Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya inay ilaashadaan guulaha la gaaray sannadihii la soo dhaafay, wuxuuna dadka deegaanka ku booriyay inay sii wadaan adkeysiga ay ku ilaalinayaan nabadda.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska AUSSOM.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Uganda oo iskaashanaya ayaa 5-tii bishii October ee sanadkii 2014 Al Shabaab ka saaray Baraawe, taasoo keentay in magaalada ay soo gasho gacanta Dowladda Federaalka.

Militariga Uganda ayaa muddadaasi qayb ka ahaa dadaaladii lagu sugayay amniga magaaladaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc