Wararka ka imanaya Magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad cabsi ah ay ka jirto magaaladaasi, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay Axaddii dagaal kula wareegeen deegaanka istiraatiijiga ah ee Coomaad.
Tallaabada ay Shabaabku kula wareegeen deegaankan oo hoostaga Magaalada Matabaan ayaa cabsi ku abuurtay shacabka ku dhaqan magaaladaasi, kuwaas oo si weyn u hadal haya is ballaarinta ay maleeshiyadu ka waddo gobolka.
Magaalada ayaa waxaa dib uga bilowday abaabulkii ciidamada dadka deegaanka, si ay uga hortaggaan duulaanka Al Shabaab.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada dadka deegaanka, oo ay ku jiraan Xerta Ahlu Sunna Waljameeca lagu abaabulayo gudaha magaaladaasi, iyadoo uu ujeedku yahay in ay xoojin u noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka.
Ciidamo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo xalay ka yimid Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa u gudbay dhinaca deegaanka Bacda ee duleedka Matabaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadii ka soo baxay Coomaad ay haatan ku sugan yihiin deegaankaasi Bacda.
Shabaabka ayaa bishii August dagaal culus kula wareegay gacan ku haynta deegaanka Teedaan oo xiriiriya Magaalooyinka Maxaas, Matabaan iyo Beledweyne, waxayna bishii October ay sidoo kale dagaal ku qabsadeen deegaanka kale ee Hees, oo ah halka ay uga soo gudbeen Coomaad.
Deegaankan keliya muhiim uma aha amniga Matabaan, balse sidoo kale waxa uu ahmiyad u leeyahay isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka ganacsiga ee Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
Ma cadda xilliga ay ciidamada dib ula wareegi doonaan Coomaad, ha yeeshee waxaa muuqata in saarista Shabaab ee deegaanada ay qabsadaan ay waqti qaadato.