Home Dhacdooyin Mareykanka oo go’aansaday in hal sano lagu kordhiyo waajibaadka Ciidanka AUSSOM

Mareykanka oo go’aansaday in hal sano lagu kordhiyo waajibaadka Ciidanka AUSSOM

by Laacib

Mareykanka ayaa go’aansaday inuu taageero in muddo hal sano ah lagu kordhiyo waajibaadka labada hawlgal ee Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ee kala ah UNSOS iyo AUSSOM.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa shaacisay go’aanka Washington, waxayna qabatay waqti kama dambeys ah oo ku eg bisha December ee sanadka 2027.

Mareykanka ayaa bishii July Midowga Afrika ku wargeliyay inuu joojin doono taageerada saadka iyo maaliyadda ee Qaramada Midoobey (UNSOS) ay siiso Ciidanka AUSSOM ee ka hawlgala Somaliya, marka uu waqtigooda dhamaado daba-yaaqada sanadkan 2026, sababo ku aaddan horumar la’aanta dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Hase yeeshee in Mareykanka uu hal sano ugu kordhiyo waajibaadka labada hawlgal ayaa muhiim u ah Dowladda Somaliya, si looga sii taageero sugidda amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in sababta dib looga laabtay go’aankii hore uu ka dambeeyay, markii la ogaaday in taageeradan ay muhiim u tahay ka hortagga is ballaarinta Al Shabaab iyo ilaalinta amniga badda iyo gobolka.

Mareykanka waa dalka ugu weyn deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ee maalgeliya Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Somaliya (UNSOS) iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada & Xasillinta Somaliya (AUSSOM).

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc