Dowladda Somaliya ayaa waxay si weyn u soo dhaweysay go’aanka Mareykanka ee halka sano loogu kordhiyay waajibaadka Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Somaliya (UNSOS) iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada & Xasillinta Somaliya (AUSSOM).
Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sheegtay in go’aankan uu mar kale xaqiijinayo xiriirka iskaashi ee Somaliya iyo Mareykanka ay ka leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
“Dowladda Federaalka Somaliya waxay si diiran u soo dhaweynaysaa go’aanka Mareykanku uu sanad kale ugu cusbooneysiiyay maalgelinta Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Somaliya (UNSOS) iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Somaliya (AUSSOM). Go’aankani wuxuu mar kale xaqiijinayaa xiriirka iskaashi ee Somaliya iyo Mareykanka ka dhexeeya ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.” Ayay Wasaaradda Gaashaandhiga ku sheegtay warsaxaafadeed ay caawa soo saartay.
“Somaliya waxay si weyn u qaddarineysaa doorka Mareykanka, oo ah saaxiibka ugu weyn, uguna garab istaagga badan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Taageerada Mareykanku waxay xoojisay hay’adaha amniga Somaliya, waxayna gacan ka gaysatay ilaalinta guulaha ay shacabka Soomaaliyeed gaareen.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo intaasi ku daray “Xiriirkan awgiis, inta badan magaalooyinka waaweyn iyo qaybo badan oo dalka ka mid ah, waxay maanta ku naaloonayaan nabad iyo xasillooni ka wanaagsan sidii hore. Al Shabaab waxaa laga saaray deegaanada ay dalku ku badan yihiin, waxayna ku soo koobantay inay ku dhuumaaleysato deegaano fara-ku-tiris ah.”
Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka ay sii wadi doonto horumarkan, isla-markaana ay mustaqbalka dhow ku tallaabsan doonto in ciidamadeeda ay la wareegaan amniga dalka.
“Somaliya waxaa ka go’an inay sii waddo horumarkan, isla-markaana mustaqbalka dhow dhammeystirto ku wareejinta masuuliyadda amniga dalka Ciidamada Soomaaliyeed. Cusbooneysiinta taageerada Mareykanka, waxay gacan ka gaysan doontaa joogteynta hawlgalada, ilaalinta guulihii la gaaray iyo awood siinta Ciidamada Soomaaliyeed, si ay u sugaan amniga deegaanada la xoreeyay.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay wasaaraddu soo saartay.
Dowladda Mareykanka ayaa ogolaatay inay taageerto in hal sano lagu kordhiyo waajibaadka labada hawlgal ee Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ee kala ah UNSOS iyo AUSSOM.
Xafiiska UNSOS ayaa bixiya adeegyo saadka oo muhiim u ah hawlgalada militari ee Midowga Afrika, waxayna Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay qabatay waqti kama dambeys ah oo ku eg sanadka soo socda ee 2027, si xafiiskaasi gebi ahaanba loo xiro.
Mareykanka ayaa ka laabtay go’aankii uu horey ugu dhawaaqay, ee ahaa inuu taageerada ka joojinayo labada hawlgal dhammaadka bisha December ee sanadkan, marka uu xilliga AUSSOM dhaco, taas oo meesha ka saartay khatartii ku xeerneyd sii jiritaanka isbahaysiga.