Home Dhacdooyin Xuuthiyiinta Yemen oo gantaal la beegsaday aagga Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion

Xuuthiyiinta Yemen oo gantaal la beegsaday aagga Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion

by Laacib

Gantaal ballaastik oo laga soo tuuray dalka Yemen ayaa maanta lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee duleedka Magaalada Tel Aviv.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in gantaalku uu ku dhacay xeendaabka garoonkaasi, oo ah kan ugu weyn ee Israel.

Warbaahinta gudaha ayaa waxay sheegtay in gantaalku uu haleelay mid ka mid ah waddooyinka soo gala garoonkaasi, lana arkayay dadka oo ku kala cararaya goobtaasi.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa la sheegay in ay goobta ka qaadeen dhaawacyada afar qof oo ku dhaawacantay weerarka, inkastoo ay jiraan warar intaasi ka badanaya khasaaraha dadka ka soo gaaray weerarkaasi.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in nidaamkooda difaaca hawada ay u suurtageli weyday in gantaalkaasi uu ka hortago.

Seeriga dhawaqa digniinaha ayaa maanta is qabsaday bartamaha Israel oo dhan, si dadka looga digo in weerar gantaal uu jiro.

Shaqadii garoonka ayaa la hakiyay, waxaana la joojiyay dhammaan duulimaadyadii tagayay iyo kuwii kale ee ka baxayay garoonkaasi.

Dhanka kale Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz ayaa ku hanjabay in ay jawaab adag ka bixin doonaan weerarkaasi.

“Qof kasta oo na waxyeeleeya, waxaanu waxyeeleen doonnaa toddobo laab.” Ayuu yiri Wasiir Katz.

Waa weerarkii afaraad oo Xuuthiyiinta Yemen ay ku qaadaan Tel Aviv, tan iyo Jimcihii.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc