Home Dhacdooyin Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Xerada Damaanyo ee Muqdisho (SAWIRRO)

Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Xerada Damaanyo ee Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa maanta beegsaday dhallinyaro qoraneysay inay ku biiraan Ciidanka Xoogga Dalka, oo safaf ugu jiray afaafka hore ee Xerada Damaanyo ee Magaalada Muqdisho.

Dhallinyaradan oo la socday ogeysiiska qalabka Warbaahinta, kana jawaabaya wargelinta Taliska Militariga Somaliya ee ku aaddan in qaranku uu askar cusub tababar u qaadanayo ayaa isugu yimid afaafka hore ee xeradaasi, si ay uga mid noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo hoos u dhigaya baahida ciidan ee dalka ka jirta.

Hase yeeshee amnigooda oo la dayacay ayaa keentay in nin naftii hallige ahaa uu ka faa’iideysto, isla-markaana uu isku dhex qarxiyo. Dhallinyaradan ayaa ku kadsoomay badhinkii qaraxa ee ninkaasi uu isugu taabtay, isagoo isu ekeysiinayay in sidooda oo kale uu askarta qoranayo.

Goobta ayaa waxaa ka dhacay fal waxashnima ah, oo ay ku naf waayeen qaar badan oo dhallintaasi ka mid ah, kuwo ku dhaawacmay iyo kuwo kale oo naxdintii ay ka qaadeen qaraxaasi ugu yaacay waddada, iyagoona halis kale kala kulmay gawaaridii waddada isu weydaaraneysay, ka hor inta aanay ciidamada amnigu xirin waddadaasi.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in ay arkayn meydadka dhowr iyo toban qof iyo dhaawaca illaa labaatan kale, kuwaas oo ahaa dhallinyaradii goobta ku sugneyd.

Gaadiidka gurmadka degdegga oo goobta gaaray ayaa ka daadgureeyay meydadka dhallinyaradii ku naf waayay weerarkaasi argagixiso iyo kuwii kale ee ku dhaawacmayba.

Waxaa jira dad is xilqaamay oo gurmadka shaqaalaha caafimaadka ka hor meesha ka qaaday dhaawacyada ay u arkayeen inay xaaladdoodu culus tahay.

Dhakhaatiirta caafimaadka ee magaalada ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in dhaawacyada la soo gaarsiiyay isbitaaladooda ay ku jiraan kuwo ay xaaladdoodu garaab tahay.

Dhanka kale Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan ay ku leysay dhallinyaradaasi, oo ahaa kuwo da’yar ah, qaarkoodna ay dhawaan uun dhameysteen Dugsiga Sare.

Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in weerarka ay ku dileen 30 qof, 50 kalena ay ku dhaawaceen.

Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya ayaa tacsi u diray qoysaska ay ka baxeen dhallinyaradaasi, isagoona sheegay in ay shahiideen.

“Wiilashaasi way shahiideen, cid ay gurigooda galeen ma jirin, cid ay ka gardarnaayeen ma jirin. Niman rabay inay qarankooda u shaqeeyaan, inay qarankooda dhiig u huraan bay ahaayeen. Way niyeysteen arrintaasi, niyadooda Ilaahay ha u aqbalo, waana shuhaddo.” Ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta Dowladda.

Xerada Damaanyo ayaa ku taala Degmada Hodan, waxayna saaran tahay Waddada Warshadaha, oo ah mid ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee Caasimadda Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 2-dii bishii December ee sanadkii 2024 xeradan ugu magac-daray General Maxamed Ibraahim Faarax (Gordon) oo ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Jananka ayaa isagoo ku magacaaban Taliyaha Guutada 5aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ku geeriyooday weerar abaabulan, oo maleeshiyada Al Shabaab ay 29-kii bishii October ee sanadkii 2012 ka gaysteen deegaanka Buufow ee duleedka Magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Xubnaha Shabaabka ee is qarxiya ayaa marar hore sidaan oo kale xeryo ciidan oo Muqdisho ku yaala ugu beegsaday dhallinyaro dooneysay inay ka mid noqdaan ciidamada, balse aanay jirin saraakiil ay illaa iyo hadda dowladdu u ciqaabtay dayacii amni ee dhacay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc