Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa sheegay in uu ka welwelo, marka la weydiiyo inuu ka walaacsan yahay in dunida ay ku sii socoto dagaalkii saddexaad, isagoona qiray in dagaalkaasi qarka loo saaran yahay.
Madaxweynaha oo Jimcihii ka hadlayay Madasha Dhaqaalaha ee St Petersburg ayaa sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo dagaal weyne xilligan ka hurin kara dunida.
Waxa uu soo hadal qaaday dagaalka uu dalkiisu kula jiro Ukraine oo gadaal ay ka taagan yihiin xulafada reer galbeedka iyo isku dhacyada ka soo cusboonaaday Bariga Dhexe ee u dhaxeeya Iran iyo Israel, isagoona sheegay in uu ka walaacsan yahay waxa ka socdo agagaarka xarumaha nuclear-ka ee Iran, halkaas oo uu sheegay in khubarada Ruushka ay ka dhisayaan laba warshadood oo tamarta nuclear-ka ah oo Iran ay u sameynayaan, balse sida uu muujiyay ay Israel weerar ku hayso.
“Waxa dhacaya waa wax laga xumaado, aniga oo aan kaftamaynin, dabcan. Waxaa jira waxyaabo badan oo isku dhac ah oo sii kordhaya oo sanka naga saaran, si toos ahna inoo saamaynaya.” Ayuu yiri Madaxweyne Putin.
Isagoo sii hadlayay ayuu yiri “Tani waxay u baahan tahay, dabcan ma ahan oo keliya feejignaantayada taxadarka leh ee dhacdooyinka dhacaya, balse sidoo kale waxaan u baahanahay inaan raadino xalal door-bidaya in aynu helno is bedelada hab nabadeed oo dhan walba ah.”
Madaxweyne Putin oo la weydiiyay bal ka waran suurtagalnimada, haddii ay Israel disho Hoggaamiyaha ugu sarreya ee dalka Iran, Ayatollah Ali Khamenei waxa ay falcelinta Moscow noqon doonto ayaa ku jawaabay “Haddii aan awoodo waxaan rajeynayaa in tani ay noqon doonto jawaabta ugu saxsan ee su’aashaada. Xitaa ma jecli inaan ka hadlo suurtagalnimadan oo kale.”
Hadalka Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka ayaa loo fasirtay inaysan xitaa sax ahayn in lagu fekero in la dili karo Ayatollah Ali Khamenei, isagoo fahamsan in dilkiisu uu dhibaato ku noqon doono amniga caalamka, kuwa doonaya in ay dilaana ay taasi ka warqabaan.
Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa Talaadadii sheegay in ay ogyihiin halka uu ku sugan yahay Hoggaamiyaha Iran, laakiin aysan xilligan dooneyn in ay dilaan.
Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz ayaa Khamiistii sheegay in Ayatollah Ali Khamenei uu yahay shakhsiga bixiya amarka ay Ciidamada Iran gantaalada ugu weerarayaan dhulka Israel, isla-markaana aysan ogolaan in ninkaasi uu sii noolaado.
“Khamenei waxa uu si cad u caddeeyay in uu doonayo in Israel la burburiyo.” Ayuu yiri Wasiir Katz oo intaasi ku daray “Ninka noocaas ah hadda looma ogolaan karo inuu jiro.”
Madaxweyne Putin ayaa sheegaya in la xalin karo khilaafka u dhaxeeya Iran iyo Israel, isagoona sheegay inuu rumeysan yahay in heshiis xabad joojin ah la gaari karo.
Putin ayaa tilmaamay inuusan dooneyn inuu dhexdhexaadiyo labada dhinac, balse taasi bedelkeeda uu doonayo in uu soo jeediyo fekrado ku saabsan, sida ay ku gaari karaan xabad joojin.
Putin ayaa intaasi ku daray inuu jeclaan lahaa in fekradaha dalkiisa ay shaqeeyaan, si loo soo afjaro colaadda Bariga Dhexe.