Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Turkiga oo sheegay sababta ay Israel duulaanka ugu qaadday Iran

Madaxweynaha Turkiga oo sheegay sababta ay Israel duulaanka ugu qaadday Iran

by Laacib

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Israel ay ujeeddo gaar ah ka lahayd dagaalkan cusub ee ay ka furtay Gobolka Bariga Dhexe ee u dhaxeeya iyaga iyo Iran.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Israel ay 48 saac ka hor weerartay dalka Iran, xilliga loo ballansanaa wareegga xiga ee wada hadalada nuclear-ka ee Iran iyo Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in danta Israel ay ka lahayd dagaalkan uu yahay, si aanay Mareykanka iyo Iran wada-xaajood wax ku ool ah uga gaarin wada hadaladooda nuclear-ka Iran.

Ciidanka Cirka Israel ayaa 13-kii bishan weerar ballaaran oo dad badani ka yaabiyay ku qaaday goobaha nuclear-ka iyo xarumaha miitari ee dalkaasi, tani oo dagaal aan lagu sii talagalin ka dhex hurisay labada dal. Weerarkan ayaa sidoo kale caqabad ku noqday wareegga lixaad ee wada hadaladii Mareykanka iyo Iran ee u bilowday bishii April.

“Netanyahu waa caqabadda ugu weyn ee nabadda Gobolka Bariga Dhexe.” Ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlayay Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ay Sabtidan ku yeesheen Magaalada Istanbul.

“Hamiga Netanyahu ee Sahyuuniyadda ma lahan ujeeddo kale oo aan ahayn in uu gobolkayaga iyo adduunka oo dhan ku jiido masiibo weyn.” Ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Waxa uu ku eedeeyay Hoggaamiyeyaasha Yurub iyo Mareykanka inay taageero indho la’aan ah siiyaan Israel, taasna ay Israel ka dhigtay mid si joogta ah ugu xadgudubta sharciga caalamiga ah.

Madaxweyne Erdogan ayaa hoosta ka xariiqay in Turkigu aanu ogolaan doonin in xuduudaha Bariga Dhexe dib loogu sawirro buu yiri dhiig.

Erdogan ayaa dunida Muslimka ugu baaqay inay muujiyaan isku xirnaan, si loo xakameeyo dembiyada ay Israel ku lugta leedahay.

“Waxaa muhiim inoo ah inaan muujino isku xirnaan dheeri ah, si loo soo afjaro burcad badeedda Israel. Keliya maahan Falastiin, laakiin sidoo kale Suuriya, Lubnaan iyo Iran.” Ayuu yiri Erdogan.

Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka kooban 57 dal, lana aasaasay sanadkii 1969-kii ayaa sheegay in hadafkoodu uu yahay in la ilaaliyo danaha dunida Muslimka, iyadoo la raacayo xoojinta horumarinta nabadda iyo wada noolaashaha caalamiga ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc