Dowladda Malta ayaa waxay sheegtay in uu dib u dhac ku yimid qorshihii ay Valletta si rasmi ah ugu aqoonsan lahayd Dowladda Falastiin.
Raysal Wasaaraha Malta, Robert Abela ayaa 25-kii bishii hore ee May ku dhawaaqay in ay aqoonsigooda Falastiin kaga dhawaaqi doonaan shirka caalamiga ah ee Magaalada New York.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Malta, Ian Borg ayaa sheegay in ay doonayeen in maalinta ugu dambeyso ee shirkaasi oo 20-ka bisha June oo shalay ahayd ah kaga dhawaaqaan aqoonsigooda Falastiin, laakiin uu shirkaasi baaqday. Shirka ayuu qorshuhu ahaa in afar cisho uu ka socdo Xarunta Qaramada Midoobey ee New York.
Shirkan oo ah mid ay ka soo wada shaqeeyeen Faransiiska iyo Sacuudiga ayaa lagu soo nooleynayay fekerka ah in la helo xalka laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool, si tobanaan sano ka dib loo soo afjaro colaadda Israel iyo Falastiin, xasilloonina looga dhaliyo Bariga Dhexe.
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa 13-kii bishan ku dhawaaqay in dib loo dhigay shirkii ay si wadajir ah u shir guddoomin lahaayeen Sacuudiga iyo Faransiiska, saacado uun ka dib markii ay cirka isku shareertay xiisadda Bariga Dhexe ee ka dhalatay weerarkii ay Israel ku qaadday xarumaha nuclear-ka iyo militariga ee Iran.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in shirka uu heerkiisu sarreyo ee Magaalada New York lagu waday in uu qabsoomo 17-ka illaa 20-ka June, kaas oo ku saabsanaa sida uu yiri sidii xal loogu heli lahaa Israel iyo Falastiin, laakiin ay dib ugu dhigayaan sababo la xiriira saadka iyo amniga, sababtoo ah buu yiri Wakiilada Falastiiniyiinta ma iman karaan shirka, maadaama ay Israel xirtay hawadeeda, diyaaraduhuna aysan ka soo duuli karin amaba tagi karin garoomada diyaaradaha ee Israel.
Macron ayaa Wariyeyaasha u sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo qaban doono shirka, arrintaasina uu kala hadli doono Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman, si loo muddeeyo waqtiga xiga ee shirka la qaban karo.
Macron ayaa ku adkeystay in Riyadh iyo Paris ay isla shir guddoomin doonaan shirka heerka sare ee Xarunta Qaramada Midoobey ee looga hadlayo buu yiri xal u helidda labada dowladood.
Macron ayaa bishii April ku dhawaaqay in bishan June ay aqoonsan doonaan Dowladda Falastiin, iyagoo aaminsan inay gobolka u horseedi doonto xal siyaasadeed oo waara.
Ian Borg, Wasiirka Arrimaha Dibadda Malta ayaa sheegay in Malta ay ka go’an tahay in ay markii ugu horreysay aqoonsato dowlad ay shacabka Falastiin leeyihiin, isla-markaana ay ku dhawaaqi doonaan, marka ay suurtagasho in la qabto shirka soo socda ee New York.
Mr. Borg ayaa sheegay in Malta ay ku mowqif tahay dalalka go’aansaday in ay meel adag iska taagaan hirgelinta iyo xaqiijinta qaddiyadda qaranimada Falastiin.
Dalal kale oo reer Yurub ah oo Ingiriiska uu ka mid yahay ayaa waxaa suurtagal ah in ay shirkaasi kaga dhawaaqaan aqoonsigooda Dowladnimada Falastiin.
Bartamihii sanadkii hore, afar dal oo reer Yurub ah ayaa go’aansaday inay aqoonsadaan Dowladda Falastiin, kuwaas oo kala ah Spain, Ireland, Norway iyo Slovenia.
Reer galbeedka ayaa muddo dheer geeska gelinayay in ay aqoonsadaan Falastiin, iyagoo markaasi la safan Israel, ha yeeshee waxaad mooddaa in xaalku uu sidii hore iska bedelay, sababtu tahay ficilada guracan ee ay Israel ka waddo Marinka Gaza. Reer Yurub ayaa isaga dayanaya in si aan horey loo arag ay u cambaareeyaan diidmada Israel ee gargaarka bani’aaantinimo ee Gaza, dilalka aan kala sooca lahayn ee dadka rayidka ah iyo dhul boobka ay ka waddo Daanta Galbeed.
Inkastoo inta badan dalalka caalamka ay horey u aqoonsadeen Falastiin, haddana aqoonsigaasi ma noqon mid faa’iido leh, bacdamaa dalalka saamaynta leh ee reer Yurub iyo Mareykanka ay diidanaayeen inay cidleeyaan garabka Israel, balse ay taariikhda qoreyso in baraarugga shacab ee ka jira dalalkaasi ay Israel ka dhigeyso, sida shimbir aan lahayn baalal ay ku duusho, walow nidaamka ka jira Israel uu yahay mid xeeladeysi og.
Hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ayaa wajahaya cadaadiskii ugu weynaa ee gudaha, si loo jebiyo qabka Israel, looguna ciqaabo ku tumashadeeda ka dhanka ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo xushmad la’aanka ay u muujineyso xulafadeeda dhow, oo ay si adag ugu gacan seyrtay in ay joojiso dagaalka Gaza, inay qaaddo xayiraadda gargaarka iyo in ay soo afjarto deegaameynta sharci darrada ah ee ay ka waddo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa si joogta ah ugu celceliya in muddada uu xafiiska joogo aanu aqbali doonin in Israel laga garab dhiso dal ay deris yihiin.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidan sheegay in Netanyahu uu yahay caqabadda ugu weyn ee nabadda Bariga Dhexe.