Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi oo marka hore ka jawaabaya duqaymaha uu saakay Mareykanka ku qaaday goobaha nuclear-ka ee Iran ayaa cambaareeyay weerarkaasi, isagoona sheegay in Mareykanku uu si buuxda u qaadi doono masuuliyadda, wixii cawaaqib ah ee ka dhasha fara-gelintooda militari ee lagu taageeray weerarada Israel ee ka dhanka ah dalkiisa.
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee B-2 ayaa garaacay xarumaha nuclear-ka ee kala ah Fordo (Fordow), Natanz iyo Isfahan, sida uu qiray Madaxweyne Donald Trump oo sheegay in ay si sax ah u burburiyeen goobahaasi, waxaana uu Tehran ugu yeeray in ay hadda nabadda qaadato.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo ka hadlayay Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ay Axaddan ku yeesheen Magaalada Istanbul ayaa wacad ku maray in dalkiisu uu sii wadi doono in uu iska difaaco weerarada gardarrada ah ee Mareykanka iyo israel.
Wasiirka ayaa sheegay in ay samayn doonaan wax kasta oo lagama maarmaan u ah, si ay uga jawaabaan xadgudubyada ka dhanka ah dalkiisa.
“Weerarka militari ee Mareykanku ku qaaday sharafta dhuleed iyo madaxbannaanida qaran ee dal xubin ka ah Qaramada Midoobey oo lala kaashaday nidaamka xasuuqa ee Israel ayaa mar kale daaha ka qaaday heerka ay gaarsiisan tahay cadowtinimada Mareykanku u hayo dadka nabadda doonka ah ee Iran.” Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiir Abbas Araghchi ayaa carabka ku adkeeyay inaysan is dhiibi doonin, isla-markaana aanay marnaba ka tanaasuli doonin madaxbannaanidooda.
Wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in Mareykanka uu ka tallaabay khad cas oo aad u weyn, isla-markaana uu Mareykanku si buuxda u qaadi doono masuuliyadda cawaaqibka khatarta ah ee ka dhalan kara buu yiri ficiladooda militari.
Wasiir Araghchi ayaa Madaxweyne Trump ku eedeeyay in uu qiyaamay codbixiyeyaasha Mareykanka, isla-markaana uu mudnaanta koowaad siiyay rabitaanka Israel, ee ah hurinta colaadaha.
Araghchi ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ugu baaqay in uu qaado tallaabo ka dhan ah jebinta uu Mareykanku ku sameeyay sharciga caalamiga ah.
“Waa xadgudub aad u xun oo aan horey loo arag oo ku ah mabaadi’da aasaasiga ah ee Axdiga Qaramada Midoobey iyo sharciga caalamiga ah.” Ayuu yiri Araghchi.
Araghchi ayaa intaasi ku daray in Mareykanka oo keliya uu qaadi doono masuuliyadda iyo wixii saamayn fog ah ee ka dhasha ficiladooda gardarrada ah, sida uu yiri.
Ka hor weerarka, Trump ayaa sheegay in Israel ay codsaneysay in Washington ay soo fara-geliso ololaheeda militari ee ay ku burburineyso xarumaha nuclear-ka ee Iran, maadaama Mareykanku uu yahay sida uu yiri awoodda militari ee keliya ee awooda inuu garaaco goobahaasi.
Israel ayaa la sheegaa in ay Maamulka Trump khasab kaga dhigtay in Militariga Mareykanka ay ku soo biiraan duqaymaha ay ku hayso bartilmaameedyada muhiimka ah ee Iran.
Saraakiisha Iran ayaa laga soo xigtay in weerarka xagga cirka ee Mareykanka uusan waxyeelo buuran u gaysan goobaha nuclear-ka ee dalkaasi, isla-markaana aysan jirin wax shucaac ah oo ka dhashay uranium-kii lagu kobcinayay goobahaasi, maadaama ay kol horeba ka qaadeen goobahaasi.