Home Dhacdooyin Xaalad aad u cakiran oo ka jirta Magaalooyinka Israel (SAWIRRO)

Xaalad aad u cakiran oo ka jirta Magaalooyinka Israel (SAWIRRO)

by Laacib

Militariga Iran ayaa maanta weerar culus oo xagga hawada ah ku qaaday gudaha Israel, iyagoona burbur xoog leh u gaystay qaybo ka mid ah Magaalooyinka Tel Aviv iyo Haifa.

Wararka ayaa sheegaya in gantaalada ballaastikada ee Iran ay garaaceen koonfurta iyo waqooyiga Israel, saacado uun ka dib, markii Mareykanka uu waaberigii hore ee saakay uu weerar aan horey noociisa loo arag ku qaaday saddex goobood oo barnaamijka nuclear-ka ee Iran.

Muuqaalada laga helay Tel Aviv iyo Haifa ayaa muujinaya in gantaaadii ugu dambeeyay ee Iran ku garaacday Israel ay burbur baaxad leh u gaysteen magaalooyinkaasi.

Marka aad milicsato goobaha ay Ciidamada Iran duqeeyeen ayaad mooddaa in muddo dheer lagu dagaalamayay.

Weerarkan oo lagu sheegay kiisii ugu weynaa ee burbur intaasi le’eg gaysta ayaa argagax ku riday shacabka Israel, waxaana uu weerarku bannaanka keenay, sida nidaamka difaaca hawada ee Israel uga hortagi karin gantaalada cusub ee ay Iran marba u adeegsaneyso weeraradeeda Israel.

Wakaaladda Wararka Iran ee IRNA ayaa sheegtay in Ciidamada Qalabka Sida ee Iran ay beegsadeen Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee duleedka Tel Aviv iyo xarumaha cilmi baarista iyo kuwa militariga.

Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom (MDA) ayaa sheegay in ay qaadeen dhaawacyada illaa 20 qof, mana sheegin cid ku dhimatay duqaymihii maanta.

Kooxaha samatabixinta ayaa sheegay in ay soo samatabixiyeen tiro dad ah, welina ay burburka dhismayaasha ka raadinayaan dad la la’yahay.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Militariga Israel ayaa lagu sheegay in ay baarayaan, sababta aan seeriga digniinaha ee gantaalada looga maqlin waqooyiga Israel, sida Haifa oo kale, balse kama hadlin fashilka ka qabsaday inay ka hortaggaan gantaaladaasi.

Israeliyiinta ayaa qir iyo qar ka jooga duqaymaha Iran, waxaana soo badanaya dadka Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku eedeynaya in ay dhexda ka gelisay xaalad aad u khatar badan.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa goor sii horreysay shacabka ugu baaqay in ay dulqaad muujiyaan, illaa iyo inta ay ka burburinayaan kaabeyaasha militari ee Iran.

Netanyahu ayaa sheegay in go’aanka geesinimada leh ee Trump ee sida uu yiri ay ciidamadiisu ku beegsanayaan xarumaha nuclear-ka ee Iran ay bedeli doonto taariikhda.

Maamulka Netanyahu ayaa rumeysan in ay dhowr toddobaad ku soo afjari karaan goobaha nuclear-ka iyo xarumaha militariga ee dalkaasi.

Lama garanayo, sida shacabka Israel ay ugu adkeysan karaan xaaladdan, waana xilli dagaalka uu hadda uun u muuqdo mid sii laba kacleynaya.

Tan iyo markii 13-kii bishan June uu dagaalku ka dhex qarxay labada dal, shacabka Israel ayaa ka cabanayay in ay waqtigooda ugu badan ku qaadanayaan goobaha gabaadka ee dhulka hoostiisa ee gantaalada lagaga dhuunto.

Shacabka ayaa ku cataabaya in dagaalkan uu si aan la arag u carqaladeeyay amnigii iyo dhaqaalihii Israel, isla-markaana ay xirmayaan goobihii ganacsiga iyo waxbarashada ee dhulka Israel.

Israel ayaa maalintii koowaad ee dagaalka ku dhawaaqday in ay xirtay hawadeeda, taas oo ka dhigan inay xiran yihiin garoomadeeda diyaaradaha.

Dekedda Haifa oo ah midda ugu weyn ee Israel iyo tii ugu dambeysay ee hadda shaqeynaysay ayaa qarka u saaran in ay xirmato, sababtu tahay gantaalaha ka soo dhacaya dalka Iran ee lagu bartilmaameedsanayo Haifa, oo sidoo kale ah magaalada ugu weyn ee waqooyiga Israel iyo midda saddexaad ee Israel ugu weyn.

Shirkadda Maraakiibta Maersk ee laga leeyahay dalka Denmark ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in ay si ku-meel-gaar ah u hakisay in maraakiibteeda ay ku xirtaan Dekedda Haifa. Maamulka Shirkadda Maersk ayaa sheegay in khatarta gantaalada Iran awgeed ay u qaateen go’aankan.

Maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ayaa horey u hakiyay in ay taggaan dekedaha koonfureed ee Israel, ka gadaal markii Xoogaga Xuutiyiinta Yemen ay kordhiyeen weeraradooda ay ku bartilmaameedsanayaan maraakiibta ku wajahan dekedahaasi, iyadoo laga jawaabayo duulaanka Israel ee Gaza iyo go’doominteeda Marinka Gaza.

Burburka nololeed ee ka jira gudaha Israel ayaa ah waxa xiga, sida ay Israel kol hore u burburisay nolosha dadka reer Gaza iyo kuwa dalka Iran oo haatan ay dooneyso in ay burburiso.

Si kastaba ha-ahaatee khubarada Israel ayaa ka digaya in dagaalkan uu jiitamo, iyagoo ku andacoonaya in uu khatar dhab ah ku yahay jiritaanka Dowladnimada Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc