Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa safar aan horey loo sii qorsheyn ku tegay dalka Ruushka, ka dib weerarkii uu Mareykanku waaberigii hore ee saakay ku bartilmaameedsaday saddex ka mid ah xarumaha nuclear-ka ee Iran.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo labadii cisho ee u dambeysay ku sugnaa dalkaasi Turkiga ayaa galabta ka dhoofay Magaalada Istanbul, si uu Moscow ugu la kulmo Madaxweyne Vladimir Putin.
Wakaaladda Wararka Iran ee IRNA ayaa ku warantay in Wasiirku uu caawa booqasho ku gaaray Moscow, isagoo madaxda dalkaasi la leh wada hadalo ku saabsan xaaladda Bariga Dhexe iyo tan caalamka.
IRNA ayaa sheegtay in Wasiir Araghchi uu Madaxweyne Putin iyo masuuliyiinta kale ee dalkaasi kala hadli doono xiisadda sida weyn dunida looga dareemay ee ka dhalatay weerarada Israel iyo Mareykanka ee ka dhanka ah dalka Iran.
Ka hor inta aanu Wasiirku ka ambabixin Istanbul oo Wariyeyaasha uu kula hadlay ayaa sheegay in Isniinta uu la kulmi doono Putin, isla-markaana ay wadatashi ka yeelan doonaan xiisadda aadka u sarreysa ee ka jirta gobolka.
Wasiirka ayaa sheegay in labada dal uu ka dhaxeeyo iskaashi istiraatiijiyadeed, isla-markaana ay wadatashi ka yeeshaan xaaladaha soo kordha.
“Mar walba waxaan yeelanaa wadatashi, waxaana isku dubaridnaa mowqifyadayada.” Ayuu yiri Wasiir Araghchi oo Wariyeyaasha kula hadlayay Istanbul.
Ruushka waa mid ka mid ah xulafada dibadda ee ugu muhiimsan Iran, waxaana la fahamsan yahay in Iran ay siisay Ruushka diyaarado fara-badan oo drones ah, si ay ciidamadiisu ugu adeegsadaan dagaalka Ukraine. Tehran ma fileyso in Moscow ay garabkeeda cidleen doonto xilligan xasaasiga ah, inkastoo labada dal uusan ka dhaxeynin heshiis difaac oo ogolanaya in ay isu gurman karaan, haddii midkood la soo weeraro.
Dowladda Iran ayaa ka carootay fara-gelinta militari ee Mareykanka uu ku soo sameeyay dalkeeda, isagoo taageeraya waxa ay ku sheegtay nidaamka wax xasuuqa ee Israel.
Abbas Araghchi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegay in Mareykanku uu ka tallaabay khad cas, isla-markaana ay xaq u leeyihiin in ay ka jawaabaan weerarada gardarrada ee Mareykanka iyo Israel.