Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa maanta qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, kaasoo booqasho ku jooga Caasimadda Moscow.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee Axaddii si degdeg ah ugu ambabaxay dalkaasi, saacado ka dib, markii Mareykanku uu garaacay xarumaha nuclear-ka ee Iran.
Madaxweyne Putin ayaa cambaareeyay weerarka Mareykanka, oo uu ku tilmaamay mid gardarro ah oo sida uu yiri aan laga fiirsan.
“Duqaymaha Mareykanka waxay caalamka ku riixayaan khat khatar ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Putin, xilli uu la kulmay wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran.
Putin ayaa sheegay in aan wax qiil ah loo heli karin weerarka Mareykanka, waxaana uu ballanqaaday in dalkiisu uu caawin doono shacabka Iran.
“Dhankeenna waxaan wadnaa dadaalo aan ku caawinayno shacabka Iran.” Ayuu yiri Putin, isaga oo aan si cad u sheegin waxa ay ku caawinayaan.
Putin ayaa dhanka kale sheegay inuu doonayo in uu Tehran kala hadlo, siyaabaha lagu dejin karo xiisaddan, inkastoo Tehran ay sheegtay in ay xaq u leedahay in ay si adag uga jawaabto weerarada Mareykanka iyo Israel.
“Waxaan uga mahadcelinaynaa saaxiibadayada Ruushka iyo saaxiibada mowqifkooda mabda’a leh iyo sida ay u cambaareynayaan ficiladan gardarrada ah. Maanta Ruushku wuxuu taagan yahay dhinaca midig ee taariikhda iyo sharciga caalamiga ah.” Ayuu yiri Wasiir Araghchi.
Wakaaladda Wararka Reuters ayaa ku warantay in Tehran ay taageero dheeri ah weydiisatay Moscow, si ay si buuxda u garab istaagto xilligan xasaasiga ah.
Araghchi ayaa Axaddii sheegay in Mareykanka uu ka tallaabay khad cas, isla-markaana ay xaq u leeyihiin in ay ka jawaabaan xadgudubka uu ku soo sameeyay dalkooda.
Tehran ayaa ku xisaabtameysa taageerada xulafadeeda dibadda, iyadoo si adag isaga caabineysa Israel iyo Mareykanka.
Ruushka iyo Shiinaha ayaa ah xulafada ugu muhiimsan dibadda ee Iran, waxayna labaduba cambaaareeyeen weerarada Israel iyo Mareykanka ee ka dhanka ah dalkaasi.