Hoggaamiyaha ugu sarreya ee dalka Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in Iran aysan cidina ka ogolaan doonin in ay ku soo gardarooto.
Hoggaamiyaha ayaa sheegaya in Iran aysan marnaba aqbali doonin xadgudub ama fara-gelin shisheeye, cid kasta oo ku soo xadgudubtana ay jawaabteeda heli doonto.
Hoggaamiyaha ayaa qoraal ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay in Iran aysan cidna dhib u gaysan, isla-markaana aysan aqbali doonin cid kasta oo ku xadgudubta xaalad kasta oo ay ku sugan tahay.
“Ma u hoggaansami doono cidna gardarradeeda, tani waa caqli-galnimada Qaranka Iran.” Ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei oo warkan soo saaray saacado yar uun ka dib, markii Ciidamada Iran ay gantaalo ku weerareen Saldhigga Militariga Mareykanka uu ku leeyahay dalka Qatar ee Al Udeid.
Qoraal kale oo lagu daabacay barta Ayatollah Ali Khamenei ee Twitter-ka ayaa u qornaa “Kuwa garanaya dadka reer Iran iyo taariikhdooda waxay ogyihiin in Qaranka Iran aanu ahayn mid is dhiiba.”
Waa hadalkii ugu horreyay ee laga maqlo Hoggaamiyaha Iran, tan iyo markii Mareykanku uu Axaddii weeraray saddex goobood oo Iran ay ku diyaarineysay nuclear-keeda.
Weerarka Mareykanka ayaa dabka ku sii shiday xiisadda Bariga Dhexe ee cirka isku shareertay bartamihii bishan, ka dib markii Israel ay bilowday inay garaacdo bartilmaameedyada dalka Iran.
Ciidamada Iran oo ka jawaabaya weerarkaasi ayaa caawa beegsaday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Al Udeid.