Home Wararka Caalamka Cadaadiska Trump ee Israel oo u muuqdo mid shaqeeyay

Cadaadiska Trump ee Israel oo u muuqdo mid shaqeeyay

by Laacib

Israel ayaa waxay sheegtay in ay si buuxda dhinaceeda u dhaqangelin doonto heshiiska xabad joojinta ee Iran, illaa iyo inta ay Iran jebineyso.

Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz ayaa Warbaahinta la wadaagay in Israel ay ixtiraami doonto heshiiska xabad joojinta ee uu soo bandhigay Madaxweyne Donald Trump, balse ay ka soo wada shaqeeyeen Mareykanka iyo Qatar.

Wasiirka Difaaca Israel oo khadka teleefanka kula hadlay dhiggiisa Mareykanka Pete Hegseth ayaa u sheegay in Israel aysan ku xadgudbi doonin xabad joojinta.

“Waxaan carabka ku adkeeyay in Israel ay ixtiraami doonto xabad joojinta, illaa in dhinaca kale uu jebiyo mooyee.” Ayuu yiri Wasiirku.

Katz ayaa Hegseth uga mahadceliyay taageerada ay dowladdiisu la garab taagan tahay Israel, marka ay noqoto in laga hortago sida uu yiri halista nuclear-ka Iran.

Hadalka Katz ayaa ah mid la mid ah hadalka Madaxweyne Masoud Pezeshkian, kaas oo sheegay in dalkiisu aanu ku xadgudbi doonin xabad joojinta, haddii Israel ay sidoo kale sameyso.

Labada dal ayaa sii wada inay ilaaliyaan heshiiska xabad joojinta, ka gadaal markii Madaxweyne Trump uu la hadlay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, una sheegay inaysan wax duqayn ah ka gaysan karin dalka Iran.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social kaga dalbaday Netanyahu in duuliyeyaashiisu uu ku soo celiyo Israel.

Cadaadiska Trump ayaa la sheegay in ay Israel ku khasabtay inay joojiso hawlgaladeeda militari ee ka dhanka ah dalkaasi, si aysan u burburin xabad joojinta jilicsan ee labada dal.

Wararka ayaa sheegay in Trump uu ka carooday warka subaxnimadii Talaadada uu Netanyahu ku sheegay in Israel ay soo dhaweynayso xabad joojinta, laakiin xilliga ay doonaan ay hawlgal ka fulin karaan gudaha Iran.

Trump oo ka hor inta aanu u ambabixin dalka Netherlands oo shir ay ku leeyihiin Hoggaamiyeyaasha NATO ayaa Warbaahinta u sheegay in aanu ku faraxsaneyn Israel, ka dib markii Israel ay duqaymo ka gaysatay dalkaasi, iyadoo ku andacooneyso in Iran ay weerar ku soo qaadday hawadeeda.

Heshiiskan ayaa muhiim u ah in hoos loo dhigo xiisadda labada dal ee ka dhalatay, markii Israel ay 13-kii bishan weerar la yaab leh ku qaadday xarumaha nuclear-ka iyo kuwa militariga ee Iran.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc