Home Wararka Caalamka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka oo is afgarad bilow ah gaaray

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka oo is afgarad bilow ah gaaray

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan wadatashi la yeeshay Siyaasiyiinta Mucaaradka ee bishii May la magac-baxay (Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed), iyagoona is afgarad ka gaaray waxyaabaha looga hadlayo shirka uu Madaxweynuhu 1-dii bishan isugu yeeray siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladdiisa, balse 15-ka bisha oo uu ku muddeysnaa in shirka la qabto u baaqday in aysan Dowladda Federaalka caddeyn waxyaabaha looga hadlayo shirkaasi.

Madaxweynaha ayaa Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia ku qaabilay xubnahan, oo ay ku jiraan Raysal Wasaareyaal hore, Ex Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ahna Gudoomiyaha Madasha Samatabixinta, Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Somaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo masuuliyiin kale, iyagoona ka wada hadlay ajandaha shirka, si xal looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee la isku khilaafsan yahay.

Dood dheer iyo fallanqeyn ka dib ayaa waxay gelinkii dambe ee maanta ay soo saareen afar qodob, oo ay isku raaceen in looga hadlo shirka soo socda.

Afarta ajande ayaa kala ah:-

Adkeynta midnimaa dalka

Hannaanka dib-u-eegista dastuurka

Amniga iyo ciribtirka argagixisada

Hannaanka doorashooyin toos ah oo heshiis lagu yahay.

“Sidoo kale waxaa la isla qaatay in masuuliyiinta weli ka maqan gogosha la baadi-goobo.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen labada dhinac.

Dhinacyada ayaa ku heshiiyay in shirka uu furmo 3-da bisha soo socota ee July, si loo sii ambaqaado wada hadalada ay xalka ugu raadinayaan nooca doorasho ee sanadka soo socda dalka laga qabanayo.

Mucaaradka ayaa horey si adag uga horyimid in dowladdu ay dalka ka qabato doorasho aan heshiis lagu ahayn, iyagoona walaac ka muujiyay qaabka ay Villa Somalia u wajaheyso doorashada sanadka 2026, waana waxa khilaafkooda ka dhigay mid muddooyinkanba soo jiitama.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa si joogta ah ugu celceliya in dalka ay u jiheynayaan doorasho qof iyo cod ah, si dadweynuhu u soo doortaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa, taas oo sida ay ku suurtageli karto aan wax sharaxaad ah laga siinin mucaaradka, marka aad eego duruufaha amni ee dalka ka jira.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc