Home Wararka Caalamka Trump oo sheegay in arrinta Gaza ay meel wanaagsan mareyso

Trump oo sheegay in arrinta Gaza ay meel wanaagsan mareyso

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa rajo ka muujiyay suurtagalnimada in si dhakhsa ah loo soo afjari karo dagaalka Gaza.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in horumar weyn laga gaaray wada hadalada xabad joojinta Gaza, isla-markaana ay heshiis gaari karaan Israel iyo Xamaas.

Madaxweynaha ayaa Warbaahinta u sheegay in horumarka laga gaaray wada hadaladan uu ka dhashay soo afjaridda dagaalkii 12-ka maalmood ee u dambeeyay ee dhex maray Iran iyo Israel.

Madaxweyne Trump ayaa ku faanay in duqaynta ay Axaddii u gaysteen saddex ka mid ah goobaha nuclear-ka ee Iran awgeed ay heli doonaan war wanaagsan oo ku saabsan arrinta Gaza.

“Weerarkan aan ku qaadnay Iran awgiis, waxaan u malaynayaa inaan heli doono war wanaagsan. Arrinta Gaza aad bay u dhow dahay.” Ayuu yiri Madaxweyne Trump.

“Waxaan u malaynayaa in horumar weyn laga gaaray Gaza.” Ayuu yiri Trump oo intaasi ku daray in Ergaygiisa Bariga Dhexe, Steve Witkoff uu u sheegay in arrinta Gaza ay meel fiican mareyso.

Trump ayaa muujiyay in guusha laga gaaray xabad joojinta Iran iyo Israel ay xigi doonto midda Gaza.

Inkastoo heshiiska nabadda ee Israel iyo Iran uu wax badan ka taray in la dejiyo xiisadda Bariga Dhexe, haddana xasilloonida gobolka ayaan gaarsiisaneyn heerkii loo baahnaa, sababtu tahay dagaalka Gaza ee weli socdo iyo diidmada Israel ee ku aaddan dhismaha Dowladda Falastiin.

Qaddiyadda qaranimada Falastiin ayaa aad u xoogeysatay, tan iyo markii Israel ay ku duushay Marinka Gaza, waxaana soo badanaya dowladaha daneynaya in ay aqoonsadaan Falastiin.

Dalal uu ka mid ah Faransiiska ayaa qorsheynaya in dhawaan ay si rasmi ah u aqoonsadaan dowlad ay Falastiiniyiinta leeyihiin, si tobanaan sano ka dib loo soo afjaro dagaalka Falastiiniyiinta iyo Israel.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa ku andacoonaya in yegleelidda Dowladda Falastiin ay gobolka u horseedi doonto xal siyaasadeed oo waara.

Qaramada Midoobey ayaa xitaa qayb ka ah ololaha baadi-goobka loogu jiro in la helo xalka laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa marar badan dalalka caalamka ugu baaqay inay taageeraan xalka laba dal oo deris ah.

Xoghaye Guterres ayaa qaba in dhismaha dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin in ay soo afjari karto colaadda ku soo noqnoqotay Bariga Dhexe.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaase si adag uga soo horjeeda in Israel laga garab dhiso dal ay deris yihiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc