Home Wararka Caalamka Ayatollah Ali Khamenei oo sheegay in Iran ay khasaare ballaaran u gaysatay Israel

Ayatollah Ali Khamenei oo sheegay in Iran ay khasaare ballaaran u gaysatay Israel

by Laacib

Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii u dambeeyay ee 12-ka maalmood socday ee ay la galeen Israel.

Hoggaamiyaha ayaa sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ee Iran ay si guul ah u beegsadeen xarumo militari iyo kuwa aan ciidan ahayn, waxayna khasaare ballaaran u gaysteen sida uu yiri Sahyuuniyadda, wuxuuna intaasi ku daray in Israel ay arki doonto burbur kale, haddii mar kale ay ku soo gardarooto Iran.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale sheegay inay dharbaaxo ku dhufeen Mareykanka, ka dib markii ay garaaceen saldhigga ugu weyn ee ay ciidamadiisu kaga sugan yihiin Bariga Dhexe, oo ah Saldhigga Ciidanka Cirka Al Udeid ee dalka Qatar.

Hoggaamiyaha ayaa sheegay in Mareykanka uu ku soo biiray dagaalka ay kula jireen Israel, taasna ay keentay in uu bartilmaameed noqdo saldhiggiisa.

Waxa uu sheegay in Iran aysan weligeed isu dhiibi doonin Mareykanka, waana hadalkii ugu horreyay ee ka soo yeera, tan iyo markii Iran iyo Israel ay dhaqangeliyeen heshiiska xabad joojinta.

Heshiiskan oo ay ka soo shaqeeyeen Mareykanka iyo Qatar ayaa hakiyay iska horimaadkii ugu dhimashada badnaa ee dhex mara labada dal.

Ayatollah Ali Khamenei, Hoggaamiyaha ugu sarreya ee dalka Iran oo jeediyay khudbad uu kula hadlayay shacabka ayaa beeniyay warka Arbacadii ka soo yeeray Madaxweyne Donald Trump ee uu ku sheegay inay burburiyeen xarumaha nuclear-ka ee Iran, ka dib markii waaberigii hore ee Axaddii ay duqeeyeen.

Hoggaamiyaha ayaa ku andacoonaya in Trump uu buunbuuniyay saamaynta weerarkooda, laakiin aanu Mareykanku waxba ka faa’iidin sida uu yiri dagaalkan.

“Duqaymaha Mareykanka wax waxyeelo ah oo la taaban karo uma gaysan xarumaheenna nuclear-ka.” Ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei.

“Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa guuleysatay, waxayna si aargoosi ah u garaacday wejiga Mareykanka.” Ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei.

Khamenei ayaa caddeeyay in Tehran ay sii wadi doonto horumarinta barnaamijka nucear-keeda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc