Home Wararka Caalamka Israel oo sii waddo weeraradeeda naxariis darrada ah ee ka dhanka ah dadka Gaza

Israel oo sii waddo weeraradeeda naxariis darrada ah ee ka dhanka ah dadka Gaza

by Laacib

Tobanaan qof oo shacab ah ayaa maanta lagu dilay Marinka Gaza, xilli Israel ay sii waddo weeraradeeda aan kala sooca lahayn ee ay ku bartilmaameedsaneyso dadka rayidka ah.

Dadka Jimcahan la dilay ayaa waxaa ku jira kuwa sugayay gargaar, kuna sugnaa meel ku dhow xarumaha loogu talagalay in dadku ay gargaarka u doontaan.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa Israel ku eedeeyay in ay gargaarka u adeegsaneyso sida hub oo kale.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ugu yaraan 410 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay Marinka Gaza, iyagoo cunto doonayay, tan iyo daba-yaaqadii bishii May.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaase tirada dadkaasi la dilay ku sheegtay 549 qof.

Hay’adda Gaza Humanitarian Foundation (GHF) oo ah midda ay Israel ku wareejisay keenista iyo gargaar qaybinta ee Gaza ayaa been abuur ku tilmaamtay tirada Qaramada Midoobey ee dadka lagu dilay xarumaha gargaarka.

Madaxa Hay’adda GHF, Johnnie Moore ayaa sheegay in uu jiro olole war wareejin ah, oo loogu talagalay buu yiri in lagu carqaladeeyo dadaaladayada gargaar bixinta ee Gaza.

Johnnie Moore ayaa sheegay in tirooyinka maalin kasta laga soo saaro dadka la sheego in lagu dilo goobaha gargaarka keliya la doonayo in lagu huriyo sida uu yiri tallaabooyinka looga soo horjeedo hay’addooda.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in Ciidamada Israel ee ilaaliya xarumahaasi ay si ula kac ah u toogtaan Falastiiniyiinta gaajeysan ee halkaasi u soo doonta raashiinka ay aadka ugu baahan yihiin.

Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ee OHCHR ayaa sheegay in Israel ay dadka reer Gaza ku dhibaateynayso gargaarka ay baahida weyn u qabaan, taasoo uu xafiisku ku tilmaamay dembi dagaal.

“Dadka ku nool xaaladda quusta ah ee Gaza waxay sii wadaan inay wajahaan doorashada bani’aadantinimada ka baxsan, oo ah inay gaajo u dhintaan ama ay halis u galaan in la dilo.” Ayuu lagu yiri war ka soo baxay OHCHR.

Israel oo taageero kaga haysata Mareykanka ayaa bishii May sameysay Hay’adda GHF, waxayna ku wareejisay shaqadii ay hay’adaha gargaarka bani’aadantinimo ka wadeen gudaha Gaza.

Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee bani’aadantinimada ka shaqeeya ayaa ka horyimid in ay la shaqeeyaan hay’addan, maadaama aysan ahayn mid madaxbannaan oo dhexdhexaad ah.

Ugu yaraan 47 qof ayaa maanta lagu dilay weerarada ay Israel ka waddo qaybaha Gaza oo dhan, oo qaarkood ay koonfurta Marinka Gaza u joogeen kaalmo bani’aadantinimo.

Dadkan ayaa la sheegay in ay toogteen Ciidamada Israel, iyaga oo goobta gargaarka lagu qaybiyo ee Rafah ku sugayay in cunto la siiyo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc