Home Wararka Caalamka Taliyaha Ciidanka Dhulka oo booqday ciidamada hawlgalka ka wada Masaajid Cali Gaduud

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo booqday ciidamada hawlgalka ka wada Masaajid Cali Gaduud

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa maanta booqday ciidamada hawlgalka ka wada aagga deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maalintii saddexaad hawlgal ka wada deegaankaasi iyo goobaha ku dhow dhow, iyadoo Saraakiisha Militariga ay Khamiistii sheegeen in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Masaajid Cali Gaduud oo maleeshiyada Al Shabaab ay dagaal culus ku qabsadeen 26-kii bishii March.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa ciidamada ku bogaadiyay dadaalkooda geesinimada leh iyo sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xoreynta dhulka ay Shabaabku ku sugan yihiin, sida uu taliyuhu ku sheegay bartiisa Facebook.

Taliyaha ayaa sheegay in safarkiisa gobolku uu la xiriiro dardargelinta hawlgalada ka socdo ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

“Intii aan halkaas joognay waxaan kulamo la yeelanay dhammaan saraakiisha iyo ciidanka ku sugan jiidaha hore ee Masaajid Cali Gaduud. Waxaan sidoo kale farnay in la xoojiyo dardargelinta hawlgalada xoreynta, si loo xaqiijiyo dhammaan amniga deegaanada gacanta cadowga ku jira.” Ayuu yiri General Sahal Cabdullaahi Cumar, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka.

Qaybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ka jira dhaqdhaqaaq ay ciidamadu dib ugu qabsanayaan deegaanadii ay Shabaabku billihii February, March iyo April ka qabsadeen bariga gobolkaasi.

Shabaabka ayaa 20-kii February bilaabay in ay culeys weyn soo saaraan deegaanadii xorta ahaa ee bariga gobolkaasi, iyagoona weeraradooda kula wareegay degmooyin iyo deegaano. Bishii March ayay la wareegeen Degmada Alkowsar, waxayna bishii April 16-keedii ay weerar ballaaran ku qabsadeen Degmada Aadan Yabaal.

Gulufka dagaal ee ay haatan ciidamadu ka wadaan gobolka ayaa u muuqdo mid ay dib ugu laabanayaan dhulkii laga qabsaday, ka hor inta aysan hujuumin daanta galbeed ee gobolkaasi oo Al Shabaab ay dhowr iyo toban sano ka arrimineysay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc