Home Wararka Caalamka Israel oo weerar ka gaysatay dalka Yemen

Israel oo weerar ka gaysatay dalka Yemen

by Laacib

Israel ayaa duqaymo cirka ah ka fulisay bartilmaameedyo ku yaala dalka Yemen, iyadoo sheegtay in ay kaga aargudaneysay weeraradii ugu dambeeyay ee ay Xoogaga Xuutiyiinta ku soo qaadeen dhulkeeda.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa waaberigii hore ee saaka garaacay bartilmaameedyo ku yaala dalkaasi oo lala xiriirinayo Xuutiyiinta.

Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay beegsadeen kaabeyaasha Xuutiyiinta ee saddexda dekedood ee kala ah Hudaydah, Ras Isa iyo Salif.

“Sida aan ka digay, Yemen waxaa loola dhaqmi doonnaa, sidii Tehran.” Ayuu yiri Wasiirka oo ku celiyay hanjabaaddiisii Sabtidii uu ku sheegay in ay ka aargudan doonaan weerarada gantaalada ee Xuutiyiinta.

War kas oo baxay Taliska Militariga Israel ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidanka Cirka Israel ay weerareen Dekedaha Hudaydah, Ras Isa & Salif iyo weliba warshada korontada ee Ras Kanatib.

Telefishinka afka Xuutiyiinta ku hadla ee Al Masirah ayaa ku waramay in diyaaradaha cadowga ay weeraro xiriir ah ka gaysteen gobolka galbeedka Yemen ku yaala ee Hudaydah.

Illaa iyo hadda lama sheegin khasaaraha nafeed iyo mid hantiyeed ee ka dhashay weerarka xagga cirka ah ee Israel.

Saraakiisha Xuutiyiinta ayaa la filayaa in ay ka hadli doonaan weerarkan ugu dambeeyay ee Israel ku soo qaadday dhulka ay gacanta ku hayaan.

Xuutiyiinta ayaa billo ka hor dib u soo celiyay weeraradoodii ka dhanka ahaa Israel, ka dib markii Israel ay 18-kii bishii March jebisay heshiiskii xabad joojinta Gaza.

Ururka reer Yemen ayaa ah garabka keliya ee militari ee si ficil ah isugu dayaya in ay Israel uga joojiyaan weeraradeeda aan kaa sooca lahayn ee ay ka waddo Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc