Xuutiyiinta Yemen ayaa la aaminsan yahay in Axaddii ay markabkan oo nooca ganacsiga ahaa ku weerareen Badda Cas, iyadoona weerarka ka dib sida la sheegay uu markabkaasi kiiday.
Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa sheegtay in weerarku uu ka dhacay meel u dhow xeebaha dalka Yemen, gaar ahaan meel qiyaastii 94km jihada koonfur galbeed kaga beegan Dekedda Hudaydah.
UKMTO waxay sheegtay in rag la socday doomo yaryar ay baasuukayaal iyo bambo gacmeedyo ku weerareen markabka xamuulka qaada ee Magic Seas, ka dibna ay diyaarad drone ahi beegsatay.
Shirkadda Amniga Badda ee Britain (Ambrey) ayaa sheegtay in markii dambe ay weerarka ka qayb qaateen afar doomood oo nooca aysan cidina wadin ah, laba ka mid ahna qaraxyada ka dhashay ay si toos ah u sameeyeen markabkaasi.
Markabka ayaa la sheegay in dab weyn uu qabsaday, ka hor inta aysan biyaha ka sare marin oo uusan quusin.
“Dhammaan shaqaalihii la socday markabka ayaa ka degay, waxaana badbaadiyay markab ganacsi oo halkaa marayay.” Ayay UKMTO ku sheegtay war qoraal ah. Warka ayaa intaasi ku daray “Dhammaan shaqaaluhu way wanaagsan yihiin oo way badqabaan.”
Xuutiyiinta Yemen ayaan illaa iyo hadda sheegan masuuliyadda weerarkan, balse Ambrey ayaa ku warantay in weerarku uu ka dhacay meelaha ay Xuutiyiinta maraakiibta ku weeraraan ee marin biyoodka Badda Cas. Ambrey waxay muujisay in weerarku uusan ka fogeyn Xuutiyiinta.
Weerarkan ayaa lagu sheegay kiisii ugu horreyay ee noociisa ah oo ka dhaca Badda Cas, tan iyo bishii April.
Markabkan oo watay Calanka Liberia ayaa la sheegay in laga leeyahay dalka Giriiga, waxaana la tuhunsan yahay in uu ku sii jeeday Dekedaha Israel, maadaama Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badda Carabta muddooyinkan lagu weerarayay keliya maraakiibta lala xiriiriyo Dekedaha Israel, ka dib heshiiskii xabad joojinta ee bishii May dhex maray Mareykanka iyo Xuutiyiinta.
Hay’adda La socodka Dhaqdhaqaaqyada Maraakiibta ee Marine Traffic ayaa sheegtay in markabka uu ka yimid dalka Shiinaha, uuna ku sii jeeday Kanaalka Suez ee dalkaasi Masar, isla-markaana uu waday agab u badan bir. Dowladda Masar ma xaqiijin in markabka uu ku xiranayay dalkeeda.
Ururka Xuutiyiinta oo maamula inta badan dalka Yemen ayaa bishii November ee sanadkii 2023 bilaabay in ay bartilmaameed ka dhigtaan maraakiibta ku sii jeedda Dekedaha Israel ee ku gooshaya Badda Cas, iyaga oo ka jawaabaya duulaanka dhinaca dhulka ee ay Israel bishii October ee sanadkaasi ku qaadday Gaza.
Xuutiyiinta ayaa billo ka dib bilaabay in ay gantaalada ridada dheer ee ballaastikada iyo diyaarado drones ah ku weeraraan gudaha Israel, si ay Tel Aviv ugu kordhiyaan cadaadiska ay ku saarayaan in ay joojiso xasuuqa ay ku hayso dadka reer Gaza iyo gargaarka ay xilligaasi bilowday in ay si aayar aayar ah u xadiddo.
Ka dib markii Israel ay 18-kii bishii March ee sanadkan dib u soo cusbooneysiisay weeraradeedii xagga cirka ee Gaza iyo in ay si guud hay’adaha gargaarka uga hor istaagtay in ay gargaarka bani’aadantinimo gaarsiiyaan dadka Gaza ayaa keentay in Xuutiyiinta ay iyana dib u soo celiyaan gantaaladii ay ku weerarayeen Israel iyo beegsigoodii maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee la macaamila dekedaha maamulkaasi, ka dib xabad joojin ku dhawaad laba bilood ka jirtay Marinka Gaza.
Ururka reer Yemen ayaa bishii January hakiyay weeraradooda, ka dib heshiiskii xabad joojinta ee Xamaas iyo Israel ee 19-kii bishaasi ka dhaqangalay Marinka Gaza.
Xoogaga Xuutiyiinta ayaa weeraradooda dib u bilaabay, ka gadaal markii Israel ay bartamihii bishii March jebisay heshiiskii xabad joojinta ay kula jirtay Xamaas.
Hoggaanka Xuutiyiinta ayaa wacad ku maray inaysan joojin doonin weeraradooda, inta uu socdo dagaalka Gaza, Israel-na ay sii waddo go’doominteeda Marinka Gaza.