Home Dhacdooyin General Yahya Saree oo ka hadlay weerarka lagu gubay markabka Magic Seas

General Yahya Saree oo ka hadlay weerarka lagu gubay markabka Magic Seas

by Laacib

Ururka Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka lagu gubay markabka ganacsiga ee Magic Seas, kaas oo Axaddii lagu weeraray Badda Cas.

Markabkan oo ah nooca xamuulka ayaa la kulmay dhowr weerar, waxaana la sheegay in lagu beegsaday meel qiyaastii 94km dhanka koonfur galbeed uga beegan Dekedda Hudaydah ee dalkaasi Yemen.

Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree ayaa xalay sheegay in Ciidamada Yemen ay markabkaasi la eegteen laba doomood oo nooca aysan cidina wadin ah, shan gantaal oo isugu jira kuwa ballaastikada iyo lidka maraakiibta iyo weliba saddex diyaaradood oo drones ah.

“Hawlgalka waxaa si toos ah loogu bartilmaameedsaday markabka, taasoo keentay in biyuhu galaan. Hadda waxaa soo baxday in uu quusay.” Ayuu yiri Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta.

Ma jirto cid ku dhimatay amaba ku dhaawacantay weerarkaasi, isla-markaana ay shaqaaluhu badqabaan, sida ay sheegtay Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO).

“Dhammaan shaqaalihii la socday markabka ayaa ka degay, waxaana badbaadiyay markab ganacsi oo halkaa marayay. Dhammaan shaqaaluhu way wanaagsan yihiin oo way badqabaan.” Ayay UKMTO ku sheegtay war ay soo saartay.

General Yahya Saree ayaa dhankiisa leh “Ciidankeennu waxay u ogolaadeen shaqaaluhu inay si badbaado leh uga dhaadhacaan markabka.”

General Yahya Saree ayaa ku andacooday in markabka Magic Seas iyo shirkadda ay wada shaqaynta leeyihiin oo uusan magaceedu sheegin ay ku xadgudbeen awaamiirtii ay horey uga soo saareen, ee ah in aan la tagi karin Dekedaha Israel ee laga xoogay Falastiin.

Waxa uu sheegay in ay mamnuuceen in la tago Dekedaha Falastiin ee Israel xoogga ku haysato, ciddii amarkooda jebisana ay bartilmaameed noqon doonto.

General Saree ayaa intaasi ku daray in weerarku uu yimid, ka dib digniino dhowr ah oo loo diray markabka, balse ay iska dhega tireen shaqaalihii markabka.

Ururka reer Yemen ayaa horey ugu dhawaaqay bartilmaameed sharci ah oo ka dhan ah maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, iyada oo aan loo eegeyn dalka laga leeyahay, haddii ay jebiyaan go’doominta ay ku hayaan dekedahaasi.

Markabka Magic Seas oo watay Calanka Liberia, lagana leeyahay dalka Giriiga ayaa rar birro u badan ka soo qaaday dalka Shiinaha, waxaana uu ku sii jeeday Kanaalka Suez ee dalka Masar, sida ay sheegtay Hay’adda La socodka Dhaqdhaqaaqyada Maraakiibta ee Marine Traffic. Qaahira illaa iyo hadda ma xaqiijin in markabka uu ku soo wajahnaa Kanaalka Suez.

Xuutiyiinta ayaa ka soo daahay inay si dhakhsa ah u sheegtaan masuuliyadda weerarka, laakiin Shirkadda Amniga Badda ee Britain (Ambrey) ayaa goor horeba sheegtay in weerarku aanu ka fogeyn Xuutiyiinta Yemen.

Xuutiyiinta ayaa marinka muhiimka ah ee Bab Al-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ka dhigay meel lagu ugaarsado maraakiibta ganacsiga ee lala xiriiriyo Dekedaha Israel, taas oo keentay in ay xirmaan dekedaheeda koonfureed, inkastoo ay weli shaqeynayso Dekedda Haifa ee waqooyiga Israel. Dekeddan ayaa ah tan ugu weyn ee Israel iyo midda qura ee hadda si caadi ah uga shaqeyso gudaha Israel, inkastoo muddadii uu socday dagaalkii 12-ka maalmood ee Israel iyo Iran ay shirkadaha xamuulka badda hakiyeen in ay ku xirtaan dekeddaasi.

Xoogaga Yemen ayaa bishii November ee sanadkii 2023 bilaabay in ay hadaf ka dhigtaan maraakiibta ku wajahan Dekedaha Israel, iyagoo ka jawaabaya duulaanka dhinaca dhulka ee ay Ciidamada Israel bishii October ee sanadkaasi ku qaadeen Gaza.

Xoogagan ayaa billihii xigay bilaabay in ay si toos ah gantaalo ballaastik ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ugu weeraraan gudaha Israel, si ay ugu xoojiyaan culeyska ay ku saarayaan in ay joojiso xasuuqa ay ka waddo Marinka Gaza iyo in ay qaaddo xayiraadihii ay xilligaasi ku bilowday gargaarkii bani’aadantinimo ee la gaynayay dhulka muddada dheer go’doonsan.

Xuutiyiinta ayaa noqday garabka qura ee militari ee illaa iyo hadda la jebin la’yahay ee madaxa kor ugu taaga Israel, isla-markaana aan wax dheg jalaq ah u siinin nooc kasta oo weerar oo ay ka gaysato dalka Yemen.

Mareykanka iyo Ingiriiska oo taageeraya Israel ayaa horey ugu guuldareystay in ay joojiyaan weerarada Xuutiyiinta, iyagoona marar fara-badan duqaymo ka gaystay dhulka ay Xuutiyiintu maamulaan.

Mareykanka ayaa 6-dii bishii May heshiis xabad joojin ah la galay Xuutiyiinta, si aysan u weerarin maraakiibta Mareykanka ee mareysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halka iyana looga joojinayo duqaymihii ay ciidamadiisu ka gaysanayeen dalka Yemen.

Xuutiyiinta ayaa joojinta weerarada ay ku beegsanayaan Israel iyo dhaqaalaheeda ku xiray shuruudda ah in Tel Aviv ay soo afjarto weerarada ka dhanka ah Gaza iyo inay qaaddo go’doominta ay ku hayso.

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta, Abdul-Malik Al Houthi oo Khamiis walba jeediya khudbad uu uga hadlo xaaladda Bariga Dhexe ayaa caan ku noqday hadaladiisa ah inaysan jirin cid shacabka Yemen ka hor istaagi karta taageerada walaalahooda Falastiin.

Mahdi Al Mashat, Madaxa Golaha Sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta ayaa dhawaan sheegay in shacabka Yemen aysan marnaba ka tanaasuli doonin mowqifkooda ay garab istaaga ugu muujinayaan shacabka Falastiin.

Saraakiisha Xuutiyiinta ayaa aalaaba sheega in Yemen iyo shacabkeedaba ay gudanayaan waajibaadka diineed iyo akhlaaqeed ee ka saaran in la difaaco shacabka aan hubeysneyn ee ku nool Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc