Home Dhacdooyin Xamaas oo fulisay hawlgal dhaawac ku ah wadnaha gumeysiga

Xamaas oo fulisay hawlgal dhaawac ku ah wadnaha gumeysiga

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa xaqiijiyay in shan ka mid ah askartooda la dilay, 14 kalena la dhaawacay, ka dib weeraro ka dhacay deegaanka Beit Hanoun ee waqooyiga Marinka Gaza, oo ku dhow goobta ay Israel horey ugu dhawaaqday in uu hoos yimaado maamulkeeda.

Xoogaga Xamaas ayaa xalay dhowr weerar ku qaaday goob ay Ciidamada Israel kaga sugnaayeen deegaankaasi. Hawlgalkan oo soo jiitay indhaha Israeliyiinta ayaan ahayn keliya fal geesinimo leh, balse uu sidoo kale dhaawac ku yahay wadnaha gumeysiga, dowlad iyo bulsho ahaan, labadaba.

Hawlgalkan ayaa si gaar ah loogu beegsaday cutub ka mid ah askarta laga soo qoray bulshada Xariidiin, oo caan ku ah inaysan fara-gashan shaqooyinka maamulka amaba inaysan ka mid noqon shaqaalaha u shaqeeya dowladda, marka laga soo tago in ay iska dhex arkaan xisbiyada iyo in ay siyaasadda door ku yeeshaan. Xariidiintu waxay muddo dheer isku tilmaamayeen in ay u adeegaan Diinta Towreed.

Xariidiintu waa Yahuud asal raaca ah, waxayna aad u bartaan Diinta Towreed, waana dariiqada ugu fiirsashada badan ee Yuhuudda, iyaga oo iska soocaya dadka intiisa kale, si ay ugu go’aan cibaadada, dadkana ay u baraan diinta, laakiin taasi kama reebeyso in ay si wanaagsan ula dhaqmaan bulshooyinka ay deriska yihiin, xitaa dhexdooda. Raggooda waxay xirtaan suud madow ama jaakad madow ah iyo koofiyadaha waaweyn ee wareegga fidsan leh, haweenkooduna waa kuwo xijaaban oo asturan, waxaana lagu sifeeyaa dad aad u khalafsan, marka ay noqoto la dhaqanka bulshada, gaar ahaan marka la joogo gudaha Israel iyo dhulka Falastiiniyiinta ee xoogga lagu haysto.

Inkastoo Xariidiintu ay yihiin kuwa ugu taranka iyo dhalmada badan ee dadka Yahuudda ayaan haddana lagu dhex arki jirin adeegga militariga, mid mid inuu dantiisa ka dhex arko mooyee, illaa laga soo gaaro sanadkii hore.

Maxkamadda Sare Israel ayaa bishii June ee sanadkii 2024 soo saartay go’aan ay ku sheegeyso inay khasab tahay in Xariidiintu ay ku biiraan ciidamada. Maxkamadda ayaana amartay in dhaqaalaha laga jaro xarumaha ay diinta ku bartaan, haddii ardaydoodu aysan u hoggaansamin shuruudaha adeegga militariga.

Wasiirkii hore ee Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa bishii July ee sanadkaasi ku dhawaaqay in bisha August ee 2024 ay bilaabi doonaan qorista Xariidiinta, iyadoo la fulinayo amarka Maxkamadda Sare.

Gallant ayaa xilligaasi sheegay in markii ugu horreysay ay dadkaasi ku tababari doonaan xeryaha ciidamada, si ay uga mid noqdaan Ciidanka Difaaca Israel.

Militariga Israel ayaa sanadkaasi askareeyay dhowr kun oo qof oo Xariidiin ah, oo bilow u ahaa qorista illaa 60,000 oo Xariidiin ah oo ku biiraya ciidamada, waxaana kuwoodii tababarta dhameystay dhawaan loo soo daabulay Marinka Gaza, iyagoo ka qayb qaadanaya hawlgalka lagu la dagaalamayo kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta oo Xamaas ay ugu facweyn tahay.

Israel ayaa u baahatay in la askareeyo Yahuudda u janjeerta Sahyuuniyadda, ka gadaal markii ay adkaatay in la helo Israeliyiin loo qoro ciidamada, taasoo keentay in lagu soo jeesto kuwii isku sheegayay inay Yahuudda u qaabilsan yihiin dhinaca diinta.

Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaan wax dheg jalaq ahi u siinin dhowr bilood oo Yahuudda Xariidiin ay ka bannaanbaxeysay inaanan laga mashquulin barashada diintooda, lagana daayo in la askareeyo, laakiin maamulka ayaan dhageysan. Xariidiintu ayaa ah kuwa ugu saboolsan, marka loo eego bulshooyinka kale ee Yahuudda, inkastoo ay kab maaliyadeed ka helaan dowladda.

Raysal Wasaare Netanyahu iyo labada Wasiir ee ugu xagjirsan xukuumaddiisa, oo kala ah Wasiirka Amniga, Itamar Ben-Gvir iyo Wasiirka Maaliyadda, Bezalel Smotrich ayaa muujiyay, sida ay uga xun yihiin hawlgalka ay masuuliyaddiisu Xamaas sheegatay ee lagu beegsaday askarta Xariidiinta.

Ben-Gvir iyo Smotrich oo muddo dheer u ololeynayay in aan la joojin dagaalka Gaza ayaa waxaa saamayn ku yeelan karta dhiigga Xariidiinta ee markan daadanaya, maadaama xisbiyada midigta fog ee ay hoggaamiyaan ee dowladda isbahaysiga la ah ay soo doortaan Sahyuuniyiinta aadka u ad adag oo qayb ay ka yihiin Xariidiinta amaba xudunta u ah.

Smotrich ayaa ah Hoggaamiyaha Xisbiga National Union–Tkuma, halka Ben-Gvir uu isna uu hoggaamiyo Xisbiga Otzma Yehudit, waana laba xisbi oo aad u mayal adag. Labadan nin ayaa isku tilmaama in ay yihiin hoggaamiyeyaal qowmi ah.

Inta askarta Xariidiinta ay ku sugan yihiin ciidda Gaza waxaa cad in weeraro kalena ay la kulmi doonaan, taas oo malaha keeni karta in ay sameysmaan ururo siyaasadeed oo daneynaya in ay ka mid noqdaan xisbiyada, si Xariidiintu ay u helaan metelaad dhab ah, loogana dhaafo ka mid noqoshada militariga, sidaana uu mugdi ku galo masiirka siyaasadeed ee Ben-Gvir iyo Smotrich.

Hawlgalkan ka dhacay jiidda waqooyi ee Marinka Gaza ayaa ka nixiyay Xariidiinta, kuwaas oo xoogooda deegaameyn looga sameeyay dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto. Inkasta oo qaar badan oo ka mid ah ay haysaan hub ay isku difaaci karaan, haddana marnaba raali kama ahan inay u adeegaan militariga, iyagoo tixgelinaya naf u huristooda barashada diinta iyo inaysan jirin wax ka muhiimsan diinta.

Smotrich iyo Ben-Gvir ma joogaan meel ay maanta uga laaban karaan dagaalkan oo muddo dheer lagu dhiig bixinayay askarta laga soo qoro bulshooyinka kale ee Yahuudda, lamana oga waxa ay yeeli doonaan.

Ciidamada Israel ayaa la aaminsan yahay in ay yihiin dhibaneyaasha labaad ee dagaalka Gaza, marka laga soo tago dadka rayidka ah ee reer Gaza oo qiimaha ugu badan ku bixinaya dagaalkan.

Beit Hanoun ayaa ku taala cirifka waqooyi ee Marinka Gaza, waxayna saaran tahay xuduudda ay Israel ku kala xadeysay Gaza iyo dhulka kale ee Falastiiniyiinta ee la haysto.

Beit Hanoun ayaa sidoo kale ah albaabka laga soo galo waqooyiga Marinka Gaza, marka ay noqoto dhulka laga xoogay Falastiiniyiinta, balse ay Tel Aviv ugu yeerto koonfurta Israel.

Waxaa kaloo xusid mudan in Beit Hanoun ay tahay goobta ay Ciidamada Israel kaga soo duuleen Marinka Gaza 27-kii bishii October ee sanadkii 2023, markaas oo hawlgal dhinaca dhulka ah ay ka bilaabeen gudaha Gaza.

Weerarkan ugu dambeeyay ee Israel astarta looga dilay, kuwa kalena looga dhaawacay ayaa calaamad u ah in iska caabintu aysan ka fogeyn, waxa ay Israel u aragto kadinka hore ee gurigeeda.

Weerarka waxa uu meesha ka saarayaa warkii horey uga soo yeeray Israel, ee ahaa in iska caabinta ay ka sifeeyeen Beit Hanoun oo dhan.

Xaqiiqada ka jirta Gaza ayaa ah in meel kasta oo ka mid ah ay Ciidamada Israel kula kulmayaan weeraro lagu diidan yahay joogitaankooda Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc