Xoogaga Xuutiyiinta Yemen ayay u suurtagashay in maalmo gudahood ay quusiyaan markabkii labaad, oo ay la xiriirinayaan Dekedaha Israel, xilli uu ku gooshayay marin biyoodka Badda Cas.
Lix ka mid ah shaqaalaha markabka Eternity C ayaa la soo badbaadiay, ka dib weerar ay sheegteen Ururka Xuutiyiinta oo ka dhacay Badda Cas, sida uu Arbacadii sheegay Taliska Ciidamada Badda ee Midowga Yurub.
Markabkan oo nooca xamuulka ahaa, isla-markaana ay la socdeen 25 shaqaale ayaa lagu guuleystay in la soo badbaadiyo lix ka mid ah.
Wakaaladda Wararka Reuters ayaa ku warantay in afar shaqaale ay ku dhinteen weerarkaasi, halka shan iyo tobankii kalena sida ay sheegtay la la’yahay.
Markabkan ayaa watay Calanka Liberia, waxaana la sheegay in laga leeyahay dalka Giriiga. Weerarka lagu qaaday wuxuu ka dambeeyay, sababtoo ah waxa uu ku sii jeeday Israel, sida ay Xuutiyiintu sheegeen.
Xuutiyiinta ayaa sheegay in weerarka lagu bartilmaameedsaday markabka Giriiga loo adeegsaday dooni aanay cidina wadin iyo gantaalo, iyagoo ku garab istaagaya Falastiiniyiinta reer Gaza ee wajahaya weerarada naxariis darrada ah ee Israel.
General Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta ayaa xalay shir jaraa’id ku sheegay in markabku uu ku sii jeeday Israel, taas oo xadgudub ku ah awaamiirtii ay horey uga soo saareen inaanan la tagi karin Dekedaha Falastiin, balse ay Israel xoogga ku haysato.
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Ciidamada Yemen ay gurmad u fidiyeen tiro ka mid ah shaqaalihii markabka, si ay nafahooda u badbaadiyaan, isla-markaana ay u qaadeen meel ammaan ah, ka dib weerarkaasi oo la aaminsan yahay in Isniintii uu dhacay.
Hawlgalka Midowga Yurub ee Badda Cas ee lagu magacaabo Aspides ayaa sheegay in ciidamadooda ay soo samatabixiyeen shan Filibiin ah iyo hal Hindi ah, xilli ay badda dul sabeynayeen.
Hawlgalka Aspides ayaa xusay in markabka ay saarnaayeen 22 shaqaale iyo saddex xubnood, oo ay ku sheegeen kooxda amniga ee markabka.
Dowladda Filibiin ayaa sheegtay in 21 ka mid ah shaqaalaha markabka ay ahaayeen muwaadiniinteeda. Mid ka mid ah badmaaxiinta waxaa la sheegay inuu u dhashay dalka Ruushka, kaas oo si xun ugu dhaawacmay weerarka, lugna ay ka go’day.
Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa sheegtay in markabka uu soo gaaray khasaare weyn, isla-markaana uu lumiyay awooddii kontoroolka ee socodka.
Wakaaladda Wararka AP ayaa tebisay in markabka uu burbur xoogan ka soo gaaray weerarkaasi, isla-markaana uu ku degay meel u dhow Dekedda Hudaydah ee Yemen. Hudaydah oo dhacda galbeedka Yemen ayaa waxaa maamula Xuutiyiinta.
Xuutiyiinta ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan shirkadaha maraakiibta ee la macaamila Israel, tani oo ay ku sheegeen mid qayb ka ah hawlgaladooda militari ee ay kaga soo horjeedaan weerarada aan joogsiga lahayn ee Israel ka waddo Marinka Gaza, si ay Tel Aviv ugu cadaadiyaan in ciidamadeeda ay joojiyaan dhiigga ay daadinayaan.
Axaddii ayay ahayd, markii Xoogaga Xuutiyiinta ay burburiyeen, isla-markaana ay quusiyeen markabka Magic Seas, oo lagu weeraray meel qiyaastii 94km dhinaca koonfur galbeed uga beegan Dekedda Hudaydah.
General Yahya Saree ayaa Isniintii sheegay in markabkan oo sidoo kale laga leeyahay dalka Giriiga ay shaqaalihiisu dhegaha ka fureysteen digniino dhowr ah oo la siiyay, taasoo sida uu sheegay soo dedejisay in la fariisiyo badda gunteeda.
Jananka ayaa sababta ay markabkaasi hadafka uga dhigteen ku sheegay in uu jebiyay awaamiirtooda ku aaddan in aan la tagi karin Dekedaha Israel ee laga xoogay Falastiin.
Xuutiyiinta ayaa siyaabooyin kala duwan u soo bandhigay muuqaalo muujinaya labada markab ay burburiyeen oo quusaya, ka dib weeraradii ay u gaysteen.
Saraakiisha ururka reer Yemen ayaa ku celceliya digniinaha ay shirkadaha maraakiibta uga digayaan inaanan lagu xadgudbi karin go’doominta ay saareen Israel, si aysan wax cawaaqib ah ugu yeelan khatarta arrintaasi ka dhalan karta.