Home Dhacdooyin Hay’adda GHF oo sheegtay inay bedeleyso qaabka ay gargaarka uga qaybiso Gaza

Hay’adda GHF oo sheegtay inay bedeleyso qaabka ay gargaarka uga qaybiso Gaza

by Laacib

Hay’adda Gaza Humanitarian Foundation (GHF) oo tan iyo daba-yaaqadii bishii May ka hawlgaleysay Marinka Gaza ayaa markii ugu horreysay sheegtay in ay wax ka bedeleyso qaabka ay gargaarka ugu qaybiso dadka reer Gaza.

Hay’addan ayaa dhalleeceyn xoog leh kala kulantay dunida, ka dib markii ay kordheen dadka rayidka ah ee lagu dilo afaafka hore ee xarumaheeda, iyaga oo sugaya in raashiin la siiyo.

Gargaarka bani’aadantinimo ay bixiso hay’addan ma ahan mid ay wada helaan dadka soo buux-dhaafiya xarumaheeda, iyadoo dadku ay ka cabanayaan in marka qaarkood ay gargaarka helaan ay rasaas kala kulmaan ciidamada ilaaliya xarumahaasi, tani oo aan waxba ka tarin gaajada ay la ildaran yihiin dadka rayidka ah.

Hay’adda GHF ayaa hadda sheegeysa in ay bilaabi doonto qaab cusub, oo ay ku bixineyso gargaarka, iyada oo loo marayo hoggaamiyeyaasha bulshada.

Hay’adda ayaa sheegtay in hannaanka bixinta ee tooska ah ay uga gol leeyihiin in maalintii ay bixiyaan 20,000 oo sanduuq ama 1.2 milyan oo cunto oo laga qaybin doono Gaza oo dhan, halka ay toddobaadyadii u dambeysay ay maalintii bixineysay 2,000 oo xermo gargaar ah.

Hay’addan ayaa sheegeysa in hoggaamiyeyaasha beelaha ay ka caawin karaan inay la soo wadaagaan xogta bulshadooda la yaqaano, taas oo go’aamineysa cidda la siinayo gargaarka, si gargaarka looga ilaaliyo kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta.

“GHF waxay markaasi xaqiijin doontaa in dhammaan xermooyinka gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan, iyadoo la adeegsanayo liiska ay soo gudbiyaan hoggaamiyeyaasha bulshada ee dadka gargaarka la siinayo.” Ayay GHF ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

GHF ayaa odayaasha qabaa’ilada ee Gaza ugu baaqday in ay la soo xiriiraan, iyagoo codsanaya ka qaybgalka ballaarinta ee gargaarka Gaza, si ay beelahooda si toos ah ugu helaan gargaarka.

Hay’addu waxay kaloo sheegtay in barnaamijkeeda cusub uu la shaqayn doono hay’ad maxali ah, si ay cuntada u gaarsiiso dadka u baahan, iyadoo aan la fara-gelin in si badbaado leh loogu geeyo meelaha ay dadku ku nool yihiin.

Waxay GHF magacawday Hay’adda Al Amal, oo ay sheegtay in ay tahay hay’ad gacan ka gaysan doonto wareejinta gargaarka, inkastoo aysan caddeyn waxa ay tahay, marka laga soo tago inay ku sheegtay hay’ad maxali ah, oo fududeynaysa in gargaar badan ay bixiyaan.

Hay’adda GHF oo Israel ay sameysay, Mareykankuna uu taageeray ayaa bayaankeeda ku sheegtay in ay sii shaqayn doonto xarunta ay ku leeyihiin deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, xaruntaas oo sida ay sheegtay ay gargaar qaybintu ka sii socon doonto, waana xudunta meesha ugu badan ee dadka rayidka ah lagu dilo, marka ay gargaarka u doontaan xarumaheeda.

GHF ayaa waxay isku dayeysaa in ay ballaariso adeegyadeeda Gaza, ka dib muran hareeyay howlaha gargaarka ee lagu wareejiyay 27-kii bishii May, oo ay ku jiraan qaybin fowdo ah, sugitaan dheer, bililiqo hubeysan iyo rasaasta Ciidamada Israel iyo Mareykanka oo sababay dhimashada boqolaal qof oo shacab ah iyo dhaawaca ku dhawaad shan kun oo kale.

Hay’addan oo gacan saar dhow la leh Ciidamada Israel ayaa Arbacadii qirtay in rabshado ay ka dhacaan agagaarka xarumaheeda, waxayse diiday in wax dad ahi lagu dilay.

Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ee OHCHR ayaa sheegay in shan boqol oo qof la dilay, iyagoo sugaya in ay raashiin helaan, tan iyo daba-yaaqadii bishii May oo markaasi ay hay’addan la wareegtay shaqadii hay’adaha bani’aadantinimada ay sanadaha badan ka wadeen Marinka Gaza.

Israel oo taageero kaga haysata Mareykanka ayaa aasaastay hay’addan oo lagu wareejiyay qandaraasleyaal iyo shirkado dhanka amniga oo Mareykan ah.

Qandaraasleyaasha Mareykanka ayaa maamula hay’addan oo leh ilaalo gaar ah oo hubeysan oo ka tirsan Militariga Mareykanka, waxaana xarumaheeda dusha ka ilaaliya Ciidamada Israel.

GHF ayaa ku dhawaaqday is bedelkan cusub, maalmo yar uun ka dib, markii 170 hay’ado caalami ah ay ku baaqeen in la qaado tallaabo degdeg ah, oo lagu soo afjarayo qorshaha gargaarka ee Israel iyo in dib loogu noqdo hababka isku-duwidda gargaarka ee ay Qaramada Midoobey hoggaamiso.

Hay’addan ayaan helin taageero caalami ah, marka laga soo tago Mareykanka oo taageeray, illaa iyo haddana ah dalka keliya ee dhaqaalaha ku siiya shaqada ay ka waddo gudaha Gaza.

Israel ayaa diiday in hay’adihii ka shaqeynayay howlaha gargaarka ee Gaza ay kaalmada bani’aadantinimo keenaan Marinka Gaza iyo in lagu qaybiyo Xarumaha Qaramada Midoobey.

Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ayaa gebi ahaanba ka horyimid in ay la shaqeeyaan hay’addaasi, sababtu tahay in aanan lagu kalsoonaan karin madaxbannaanideeda & dhexdhexaadinmadeeda iyo inaysan ku shaqeyn mabaadi’da aasaasiga u ah hay’adaha bani’aadantinimada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc