Qoysaska iyo ehelada maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza iyo dadka u ololeya in la sii daayo ayaa xalay ku hor bannaanbaxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel uu ku leeyahay Magaalada Jerusalem (Qudus).
Dadkan ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee Xafiiska Benjamin Netanyahu, maalin uun ka dib, markii uu sheegay in uu ku kalsoon yahay in la gaari karo heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee iyaga iyo Xamaas.
Qoysaska maxaabiista ayaa Raysal Wasaaraha ku eedeeyay in uu mar kale isku dayay in uu abuuro aragti been abuur ah, oo ah in maalmaha dhow la gaari doono heshiis xabad joojin dhameystiran ah.
Qoysaska ayaa cod dheer ku sheegay inaanan la aamini karin warka Netanyahu, isla-markaana aanay dhab ka ahayn in la soo afjaro dagaalka Gaza, dadkoodana ay dib ugu soo laabtaan, maadaama ay ka horimaaneyso joogitaankiisa xafiiska.
Jon Polin oo ah aabaha dhalay Hersh Goldberg-Polin oo bishii August ee sanadkii 2024 lagu dilay Marinka Gaza, xilli ay Ciidamada Israel isku dayayeen in ay xoog ku soo furtaan ayaa Madaxweyne Donald Trump ugu baaqay in uu soo fara-geliyo walaaca waalidiinta, si ay u suurtagasho in xubnaha ka maqan qoysaskooda ay iyagoo nool dib ugu soo laabtaan guryahooda.
Jon Polin ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in Madaxweyne Trump uu samayn karo wax badan, si loo gaaro heshiiska aadka loogu baahan yahay.
“Waxaan rabnaa in heshiis la gaaro, xitaa haddii ay noqoto in la soo afjaro dagaalkan.” Ayuu yiri Jon Polin oo Trump ku booriyay in maxaabiista harsan uu Israel ku soo celiyo, inta aan la dilin.
Qoysaska, ehelada iyo saaxiibada maxaabiista oo muddo dheer bannaanbax ka waday gudaha Israel ayaa dalbanaya in ciidamadu ay joojiyaan duqaymaha aan kala joogsiga lahayn ee ay ka wadaan qaybaha Gaza oo dhan, maadaama ay Xamaas sheegtay in duqaymahaasi aysan ku dhimaneynin dadka Gaza oo qura, balse ay sidoo kale ku dhimanayaan maxaabiistooda, sidii marar badanba dhacday.
Heshiiska lagu joojinayo dagaalka Gaza ayaa ah, sida keliya ee lagu soo sii deyn karo maxaabiista Israel.
Mid ka mid ah saddexdii hadaf ee ay Israel ugu duushay Marinka Gaza ayaa ahaa in xoog lagu soo furto maxaabiista, laakiin ay ciidamadu ku guuldareysteen.
Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza, Ciidamada Israel ayaa la ogyahay in ay soo furteen afar maxbuus oo nool, ka dib hawlgal gaar ah oo 8-dii bishii June ee sanadkii hore ka fuliyeen deegaanka Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza.
Hawlgalkan naadirka ah ayaa xilligaasi lagu soo samatabixiyay Noa Argamani, Almog Meir Jan, Andrey Kozlov iyo Shlomi Ziv.
Warbaahinta Israel ayaa hawlgalkaasi ku tilmaamtay hawlgalkii ugu ballaarnaa ee si guul leh loogu soo furto xubno ka mid ah maxaabiista Israel, tan iyo markii uu dagaalku bilowday.
Xamaas ayaa weerarkaasi ka dib soo saartay amar ay xoogageeda ku siisay in ay dili karaan maxaabiista ay gacanta ku hayaan, haddii ay wax khatar ahi la kulmaan.
Israeliyiinta lagu haysto Gaza ayaa ah waxa ugu weyn ee ay ku gorgortameyso iska caabinta Falastiin, si loo soo afjaro dagaalka Gaza, looguna soo sii daayo dadka kaga xiran jeelasha Israel.