Home Wararka Caalamka Madaxweyne Zelensky oo soo dhaweeyay tallaabada Trump uu hubka ku siinayo dalkiisa

Madaxweyne Zelensky oo soo dhaweeyay tallaabada Trump uu hubka ku siinayo dalkiisa

by Laacib

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa bogaadiyay go’aanka Madaxweyne Donald Trump ee ku aaddan in dowladdiisu ay taageero militari siineyso Kyiv, si ay isaga caabiso weerarada Ruushka.

Madaxweynaha Mareykanka oo xalay Aqalka Cad ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Gaashaanbuurta NATO, Mark Rutte ayaa sheegay in hubka ugu sarreya ee dalkiisu uu haysto ay gayn doonaan Kyiv, iyadoo kharashaadka ay bixinayaan dalalka kale ee xubnaha ka ah NATO. Trump ayaa Ruushka ugu hanjabay inay ku soo rogi doonaan canshuuro adag, haddii aan 50 maalmood gudahood lagu gaarin heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine oo khadka teleefanka kula hadlay Trump ayaa soo dhaweeyay tallaabadan, oo muhiim u ah dagaalka uu dalkiisu kula jiro Ruushka.

Madaxweyne Zelensky ayaa mar dambe qoraal ku sheegay in uu uga mahadcelinayo Mareykanka, Jarmalka iyo Norway oo dalkiisa kala shaqeynaya in gantaalada difaaca hawada ee Patriot la keeno Ukraine.

“Waxaan sidoo kale ka shaqeynaynaa inaan heshiisyo difaac oo waaweyn la galno Mareykanka.” Ayuu yiri Zelensky.

“Ukraine waxay si buuxda diyaar ugu tahay tallaabooyin daacadnimo ah, oo wax ku ool u ah in la gaaro nabad waarta.” Ayuu yiri Zelensky oo Ruushka ku eedeeyay in aanu diyaar u ahayn in la gaaro heshiis horseedaya in la dhameeyo colaaddan.

“Waa Ruushka midka aan diyaarka u ahayn inay taasi dhacdo, waana in lagu khasbaa, tanina waa waxa dhacaya.” Ayuu yiri Zelensky.

Ukraine ayaa in ka badan saddex sano dagaal kula jirta Ruushka, oo 24-kii bishii February ee sanadkii 2022 fara-gelin militari ku sameeyay dalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc