Dowladda Suuriya ayaa bilowday in ay ciidamadeeda kala baxdo magaalada koonfurta dalkaasi ku taala ee Suwayda, ka dib iska horimaadyadii tooska ahaa ee ay kula galeen xoogaga bulshada Duruusiyiinta ee magaaladaasi ku badan.
Magaaladan ayaa waxaa Axaddii ka qarxay dagaal u dhaxeeya xoogag kala taabacsan Duruusiyiinta iyo beelaha Bedouin ee deegaanka. Dowladda ayaa intaasi ka dib ciidamo u dirtay magaaladaasi, balse aan soo dhaweyn kala kulmin Duruusiyiinta, waxayna keentay in ay ciidamada isku dhacaan.
Hoggaamiyeyaasha Duruusiyiinta ayaa qaylo dhaan u dirsaday Israel, oo iyana ay ciidamadeeda qayb ka soo noqdeen dagaalkaasi, ka dib markii ay bilaabeen inay hawada ka duqeeyaan ciidamadii taabacsanaa Dowladda Suuriya.
Militariga Israel ayaa Arbacadii duqaymahooda ku ballaariyay magaalo madaxda dalkaasi ee Dimishiq, iyagoona garaacay goobo ay ka mid tahay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga.
Saraakiisha Mareykanka ayaa u istaagay in ay ka hortaggaan isku dhac weyn oo dhex mara labada dowladood, waxayna Dowladda Suuriya ku qanciyeen in ay ciidamada kala baxdo magaaladaasi iyo in ay heshiis xabad joojin ah la gasho Duruusiyiinta.
Wakaaladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in ciidamadu ay xalay bilaabeen in ay ka baxaan Suwayda. Muuqaal laga baahiyay Telefishinka Qaranka ayaa muujinaya kolonyada ciidamada oo ka baxaya magaaladaasi.
“Ka bixitaanka Ciidamada Carabta ee Suuriya ee Suwayda ayaa bilowday, iyada oo la fulinayo heshiiskii u dhaxeeyay Dowladda Suuriya iyo Hoggaanka Diinta ee Druze ee magaalada, ka dib markii ay ciidanku dhameystireen hawlgalkii ay ku baacsanayeen kooxaha aan sharciga ahayn.” Ayay ku warantay SANA.
Dhanka kale waxaa kordhay khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaalka dhowrka cisho ka socday Magaalada Suwayda, waxaana la sheegay in dhimashadu ay kor u dhaaftay saddex boqol oo qof.
Kooxda La socodka Xuquuqda Aadanaha Suuriya (SOHR) ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in dhimashada ay gaartay 360 qof, sida ay SOHR ku sheegtay warsaxaafadeed.
Kooxda ayaa warsaxaafadeedkan oo ay soo saartay saqdii dhexe ee xalay ku sheegtay in Arbacadii shalay oo keliya ay dhinteen 110 qof, ka dib weeraro ka dhacay meelo kala duwan oo dalkaasi ah.
SOHR ayaa khasaarahan ku sheegay mid soo gaaray Suuriya oo dhan, waxayna dhanka kale ka digtay fara-gelinta qaawan ee ay Israel ku hayso dalkaasi.
SOHR waxay sheegtay in xal militari aanu ahayn jawaabta ku habboon ee xaaladda taagan, waxayna xustay inaanan laga baxsan karin in mushkiladaha Suuriya lagu dhameeyo wada hadal iyo is afgarad.