Madaxtooyada Suuriya ayaa waxay xaqiijisay in Ciidamada Qalabka Sida ay dib ugu celineyso Magaalada Suwayda ee koonfurta dalkaasi, halkaas oo xiisad hor leh ka soo cusboonaatay.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Suuriya, Noureddine Al Baba ayaa sheegay in laamaha amnigu ay bilaabeen in ciidamada ay maalmo yar ka dib ku celiyaan magaaadaasi.
Dowladda Suuriya ayaa Khamiistii ciidamadeeda kala baxday Suwayda, waxaana amniga magaalada lagu wareejiyay xoogag u daacad ah Hoggaamiyeyaasha Diinta ee Duruusiyiinta, maadaama ay iyagu ku badan yihiin magaalada.
Xoogag kale oo Duruusiyiin ah oo la aaminsan yahay in ay Israel gadaal ka riixeyso ayaa la sheegay in ay dileen dad ka soo jeeda beelaha Bedouin ee deegaanka ee aadka ugu badan duleedyada magaaladaasi.
Maleeshiyaad Carab ah oo Bedouin ah ayaa la sheegay in ay soo kubaareeyeen magaalada, iyagoo ka carreysan dilka ay maleeshiyada Duruusiyiinta u gaysteen dadkaasi.
War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Suuriya, Ahmed Al Sharaa ayaa lagu sheegay in Ciidamada Dowladda ay dib ugu laabanayaan Suwayda, si looga hortago isku dhac cusub.
Magaaladan ayaa waxaa Axaddii la soo dhaafay ka qarxay dagaal u dhaxeeyay labada dhinac, inkastoo markii Ciidamada Dowladda ay Isniintii gaareen aysan soo dhaweyn kala kulmin Duruusiyiinta, taasoo keentay in ay ciidamada isku dhacaan.
Hoggaamiyeyaasha Duruusiyiinta ayaa qaylo dhaan u dirsaday Israel oo iyana fara-gelin militari ku sameysay dalkaasi, iyadoona xitaa garaacday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Suuriya iyo agagaarka Madaxtooyada.
Dhexdhexaadin ay garwadeen ka ahaayeen Mareykanka, Turkiga iyo dowlado Carab ah ayaa habeenkii Arbacada Dowladda Suuriya ku qanciyay in ay ciidamadeeda kala baxdo magaaladaasi iyo in heshiis xabad joojin ah oo lala galo Hoggaamiyeyaasha Duruusiyiinta, iyadoo laga baaqsanayo isku dhac weyn oo dhex mara iyaga iyo Israel.
Danjiraha Mareykanka ee Turkiga ahna Ergayga Mareykanka ee Suuriya, Tom Barrack ayaa Jimcihii sheegay in Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo Madaxweyne Al Sharaa ay ku heshiiyeen xabad joojin, si loo dejiyo xiisadda Suwayda.
Danjire Barrack ayaa beelaha Bedouin-ta iyo reer Druze ugu baaqay in ay hubka dhigaan, si wadajir ahna ay u dhistaan dowlad la wada leedahay oo Suuriya ah.
Kooxda La socodka Xuquuqda Aadanaha Suuriya (SOHR) ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa goor sii horreysay sheegtay in 718 qof lagu dilay Suwayda, tan iyo markii uu dagaalku ka bilowday 13-kii bishan.