Dagaal culus ayaa Sabtidan ka socdo Magaalada Suwayda, kaas oo u dhaxeeya maleeshiyaadka beelaha Bedouin-ta iyo kooxaha ku awoodda badan magaaladaasi ee Duruusiyiinta.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu daba socdo dilal ay maleeshiyada Duruusiyiinta dad ka soo jeeda qabaa’ilada Bedouin-ta ugu gaysteen magaaladaasi, saacado uun ka dib, markii Khamiistii xabad joojin laga dhaqangeliyay magaalada, amnigeedana lagu wareejiyay xoogag u daacad ah Hoggaamiyeyaasha Diinta ee Druze-ka.
Maleeshiyaadka Bedouin-ta oo ku xoogan deegaanada hoostaga Suwayda ayaa weerar ku haya xoogaga ka baxsan kuwa ka amar qaata Hoggaamiyeyaasha Duruusiyiinta ee dilalka ka gaystay magaalada, tan iyo markii ay xabad joojinta isla qaateen Dowladda Suuriya iyo Hoggaamiyeyaasha Duruusiyiinta.
Jimcihii ayaa waxaa jiray dagaalo goos goos ah oo ka dhacay afaafka hore ee magaalada, waxaase hadda muuqato in dagaalku uu si toos ah ugu soo fiday gudaha magaaladaasi.
Xoogaga duulaanka ku soo qaaday magaalada ayaa laga cabsi qabaa in ay dilal aargoosi ah ka gaystaan magaaladaasi, ayna u gaystaan dad aan ku lug lahayn dilalkii ay gaysteen maleeshiyada Duruusiyiinta. Magaaladan ayaa waxaa ku badan bulshada Duruusiyiinta ee Suuriya, laakiin Bedouin-ta ayaa ah aqlabiyadda deegaanada ku xeeran.
Ciidamada Suuriya oo maanta dib loogu celiyay magaalada ayaa bilaabay in ay gudaha u galaan, si ay u dhaqangeliyaan heshiiska xabad joojinta.
Wakaaladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa ku warantay in cutubyo ka tirsan ciidamada amniga oo gaaray duleedka magaaladaasi ay isku fidinayaan xaafadaheeda, iyagoo dhaqangelinaya qodobada heshiiska, isla-markaana ay gacan ka gaystaan xasillinta xaaladda Suwayda.
SANA ayaa sheegtay in xabadda ay si xoog leh uga socoto qaybo ka mid ah magaalada ku taala koonfurta dalka Suuriya.
Madaxtooyada Suuriya ayaa dhinacyada dagaalamaya ugu baaqday in ay is xakameeyaan, isla-markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo xaaladda uga sii daraya.
Suwayda ayaa waxaa Axaddii ka qarxay dagaal u dhaxeeyay beelaha Bedouin iyo kooxo hubeysan oo Druze ah, inkastoo ay xaaladdu u muuqatay mid Khamiistii la xakameeyay, ka dib dhowr cisho oo lagu dagaalamayay gudaha magaalada.
Xaaladda ayaa laga cabsi qabaa in ay faraha ka baxdo, haddii aanay Dowladda Suuriya iyo Hoggaanka Diinta ee Duruusiyiinta ku guuleysan in ay si dhakhsa ah xiisaddan wax uga qabtaan.