Home Wararka Maanta Siyaasiyiinta Mucaaradka oo Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay colaad ka hurineyso Gedo

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay colaad ka hurineyso Gedo

by Laacib

Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka ee ku bahoobay (Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed) ayaa cambaareeyay dagaalkii maanta ka dhacay Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Madasha ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay ka xun tahay xiisadda ka taagan degmadaasi ee ka dhalatay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland, iyadoona madasha ay ka tacsiyeysay dadkii ku dhintay dagaalkaasi.

Madasha ayaa waxay sheegtay in shirkii Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay 25-kii bishii June ku yeesheen Magaalada Muqdisho ay ka soo saareen qodobo ay ka mid yihiin adkeynta midnimada dalka iyo dadka, xoojinta amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

“Waxaa ayaan darro ah taas bedelkeedii in Dowladda Federaalka ay Gobolka Gedo maanta ka hurineyso colaado iyo dagaalo sokeeye oo halis gelinaya amniga, nabadda iyo xasilloonida dadka iyo deegaanka, waxna u dhimaya dadaalada nabadeed ee dowlad-dhiska iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay “Madasha waxay ka xun tahay in ciidamadii Qaranku ay maanta isku laynayaan dagaal siyaasadeed oo ay huriyeen Madaxda Dowladda Federaalka, oo fursad hor leh siineysa cadowga ummadda Soomaaliyeed, halkii laga sugayay in ay ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed u abaabusho, sidii dalka looga xorayn lahaa argagixisada arxanka daran ee ku soo duushay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

Mucaaradka ayaa Madaxda Qaranka ugu yeeray in ay si degdeg ah u joojiyaan qalalaasaha dagaal ee ay ku eedeeyeen in ay ka wadaan Jubbaland, isla-markaana aysan ciidamada u adeegsan dano siyaasadeed, xoogana ay saaraan, sidii dalka looga suulin lahaa kooxaha argagixisada iyo sidii heshiis looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed & geeddi-socodka dowlad-dhiska Somaliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc